Xaflad xalay ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Puntlland ee Garoowe

April 29, 2013 - Written by Editor

plGaroowe:-Waxaa xalay ka dhacay xarunta madaxtooyada cusub ee dowllada Puntlland ee magaalada Garoowe casho sharaf loo sameeyey Madaxweynaha Dowllada Federaalka Soomaaliya Xassan Sh.Maxamuud  iyo wafdi uu hogaaminayo oo shalay soo gaaray magaalada Garoowe. Xaflada casho sharafka ah ee loo sameeyey Madaxweynaha DFS iyo wafdigiisa ayaa waxaa ka soo qayb galay Madaxweyne ku xigeenka dowllada Puntlland Gen.Cabdisamad Cali Shire, guddoomiyaha baar lamaanka , Wasiiro ,xilidhaabo, Saraakiil ka tirsan ciidanka Puntlland madaxda safaarada dalka Itoobiya,Madaxda Hay ‘addaha kale duwan eek a howl gala Puntlland.

Furitaanka Xaflada ayaa waxaa hadal kooban ka jeediyey Dr Maxamed Xassan Barre oo ah Gudoomiyaha Guddiga doorashooyin ka Puntland waxaan uu ka warammay xaaladihii ay soo martay Puntlland iyo halka ay maanta higsanayso oo ah in ay u gudubtay nadaamka Xisbiyada badan.

Xildhibaaan Faarax Sulub oo ka mid ah Goalaha wakiilada  Puntland  oo hadal kooban isagan ka jeediyey  xaflada ayaa waxaa uu ku dheeraaday iyo Gobllada Sool , Sanaag iyo Cayn ay ka mid yihiin Puntlland ayana dadka degan ay doonayaan Midnimada umada Soomaaliyeed.Xildhibaanka ayaa sheegay in gobolladaas meelo ka mid ah ayjoogaan ciidamo ka tirsan S/klland wax horumar ahna aan laga samayn  ugu danbayntii ayaa waxaa uu soo jeediyey in ay muhiim tahay in shirarka looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ay qayb ka tahay Puntlland.

Waxaa  sidoo kale hadal kooban ka jeediyey  xaflada casho sharafka ah ee loo sameeyey wasiirka  Waxbarashada dowllada Puntland Cabdi Faarax Juxa isagoo ka waramay marxaladaha kale duwan ee ay soo martay waxbarashada Puntlland waxaan uu codsi u diray dowllada Federaalka Soomaaliya in Puntlland gacan laga siiyo  siddii ay u horumarin lahayd waxbarashada.

Madaxweynaha Dowllada Puntlland Dr.C/raxman Maxamuud Faroole ayaa  khubada dheer ka jeediyey xaflada casho sharafka ah ee loo sameeyey Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud waxaa uu aad ugu dheeraaday hirgelinta nidaamka Federaalka, xiriirka dalalka dariska ah,adkeynta nabad gelyada isagoo si gooni ah u xusay in lala dagaalo ururka Al-shabaab oo uu ku eedeeyey in ay ka danbeeyeen qaraxyadii lagu laayey arday badan oo Soomaali ah , dilal qorshayn oo lagu dilay culimadii dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowllada Puntlland Dr.C/raxman Maxamuud Faroole ayaa xusay in ururka Al-shabaab ay ku hsihiyeen xaq daro balse hadda iyagu ay dhibkii ay umada ku hayeen uu dib ugu laabtay.Ugu dan bayntii ayaa waxaa hadalka lagu soo dhaweeyey  Madaxweynaha dowllada Federaalka Soomaaliya Xassan Sh. Maxamuud , Madaxweynaha DFS ayaa ugu horayn waxaa uu mahad u jeediyey Madaxda Puntlland iyo shacabka reer Puntlland waxaan uu uga mahad celiyey sidda wanaagsan ee loo soo dhaweeyey isaga iyo wafdigii la socday.

Madaxweynaha dowllada Federaalka Soomaaliya Xassan Sh. Maxamuud ayaa sheegay in Puntlland ay kaalin muhiim ah ka gashay soo dhisidii dowllada Federaalka Soomaaliya iyo weliba ka bixitaankii ku meel gaar nimad  iyo in ay horseed u ahaayeen taban soo dhisida Dowllada Soomaaliyeed. Madax weynaha dowllada Federaalka Soomaaliya Xassan Sh. Maxamuud ayaa xusay in booqashada uu ku yimid Garoowe ay tahay mi xusuus badan ku reebi doonta isagoo aad ugu dheeraaday qaabkii wanaagsanaa ee ay waxgaradka ,Isimada Puntlland ay u sii dhiseen dowllada Puntlland 1998 taladaas oo ahayd mid ka timid waxgaradka Puntlland

Madaxweynaha DFS Xassan Sheeikh Maxamuud ayaa sheegay in socdaalka ay ku soo gaareen Garoowe ay tahay  in ay wadatashi la sameeyeen dowllada Puntlland iyo madaxeed ka hor inta aan la tegin shirk aka dhci  doona London si Madaxda Sooamaaliyeed ay aragti midaysan iyagoo qaba ay tagaan shirka ka dhici doono London.

M_M_Deeq
Halgan.net

 

 

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online