Al-shabaab oo Hoobiyaal ku weeraray garoonka magaalada Kismaayo

May 1, 2013 - Written by Editor

kismaayoKismaayo:-Ciidamo ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa hoobiyaal ku weeraray Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Kismaayo waxaan khasaaro ay gaarsiiyeen laamiga ay ku odaraan diyaaradaha marka ay kacayso ama soo degayso.[Run-way].Saraakiil ka tirsan Ciidanka AMISOM iyo kuwa maamulka  ku meel gaarka Kismaayo ayaa waxaa ay saxaafada u sheegeen in ay iska difaaceen weerarka Al-shabaab ku soo qaadeen Garoonka diyaaradaha ee Kismaayo oo ilaa 15-Km u jira magaalada.

Dhinca kale maareeyaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ayaa isagana waxaa uu saxaafada u xaqiijiyey in garoonka Kismaayo ay ilaa labo Madfac ay ku soo rideen ciidanka ururka Al-shabaab ayna waxyeelo gaarsiiyeen  xarun caafimaad oo ku taalay gudaha garoonka  diyaaradaha iyo weliba laamiga diyaaraduhu ay ku ordaan marka ay soo degayaan.

Waa markii labaad oo ciidamo ka tirsan ururka Al-shabaab ay hoobiyaal ku soo ridaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Ksimaayo xili garoonka shaqadiisu ay dib u bilaabatay.

Cabdi Yare
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online