Banaanbax ka dhacay magaalada Boosaaso iyo ciidanka PMPF oo kala ceyriyey

May 10, 2013 - Written by Editor

banaanbaxBoosaaso:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa sheegaya in Banaanbaxa cabsho ah ay dhigayeen qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Boosaaso gaar ahaan Xaafada Laanta Hawada waxaana banaanbaxa dhigayey dumar iyo dhalinyaro .

Dadka Banaanbaxa dhigayey ayaa ka cabnayey sicir bararka la sheegay in uu ka jiro magaalada Boosaaso iyo ciidamada shalay gadooday oo aan la siin mushaaradooda iyaga oo ka codsaday dowlada in ay siiso ciidamada xuquuqdooda waxaa kale oo ay diideen xisbiyada laga diiwaan galiyey Puntland iyaga oo ku sheegay kuwa been ah.

Ciidamada Daraawiishta iyo kuwa Bada ( PMPF) ayaa kala ceyriyey dadkii dhigayey Banaanbaxa waxayna ku qasbeen in ay kala cararaan markii ay rasaas xooggan ku rideen. Ilaa haatan lama soo sheegin cid wax ku noqotay rasaasta ay ridayeen ciidanka Puntland.

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa shalay waxaa soo gaaray Madaxweyne ku xigeenka Puntland Jen Cabdisamed Cali Shire isaga oo kulamo kala duwan la qaatay saraakiisha horkacayey ciidamadii gadoodsanaa waxaana lagu qanciyey in ciidamada dib ugu noqdaan goobihii ay soo baneeyeen.

Ilo wareed ku sugan Magaalada Boosaaso ayaa u sheegay Halgan.net in ciidamada dib ay ugu noqdeen goobahoodii ay ka soo baxeen waxaana loo balanqaaday in la siin doono mushaaradooda.

Saraakiisha horkaceysa ciidamada ka tirsan Daraawiishta Puntland ee gadoodka sameeyey ayaa xukuumada Puntland u qabtay wakhti cayiman ka dib wadahalo dheer oo dhexmaray iyaga iyo Jen Cabdisamed Cali Shire madaxweyne ku xigeenka Puntland.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online