Booliska Kenya oo lagu eedeeyay inay jirdileen, kufsadeen qaxooti Soomaali ah

May 29, 2013 - Written by Editor

banaanbaxNairobi:-Booliska Kenya ayaa lagu eedeeyay inay jirdileen, kufsadeen ama ay u geysteen xadgudubyo kale ku dhawaad 1,000 qof oo qaxooti Soomaali ah.Xadgudubyadan ayaa dhacay intii u dhaxeysey bishii November 2012ka ilaa iyo dhamaadkii January 2013ka, sida lagu xusey warbixin ay soo saartay hay’adda u doodad xuquuqda aadamaha ee Human Rights Watch oo maanta oo Arbaca ah la soo bandhigey.

Hay’adda ayaa ugu baaqdey masuuliyiinta Kenya in ay si dhaqsiya ah u bilaabaan baaritaan muuqda oo lagu sameeyo arrintan,  sidoo kalena UNHCR ayaan wali si furan uga hadlin arrintan waxaana loogu baaqey in ay diiwaangalin ku sameeyaan xadgudubyada loo geysanaayo dadka qaxootiga ah kuwii hore loogu qeystey iyo kuwa mustaqbalkaba.

Warbixin ka koobneyd 68 bog ayaa sheegtey in ay ciidamada Kenya ugu yeereen qaxootiga ku sugan Nairobi “dhamaantiin waxaad tihiin argagaixiso” sida ay hay’addu ku ogaatey wareysiyo ay la yeelatey 101 dad qaxooti iyo magangalyo doon ah iyo waliba Soomaalida reer Kenya.

Warbixintan waxaa kaloo ay soo warisey oo ay qoraalna ka sameysey sida ay Boolisku u isticmaaleen Bambooyin iyo weeraro kaleba oo ay geysteen dad aan la aqoonin xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay ee Islii, taasoo markii danbana ay dowladdu amartey in qaxootiga magaalada ku sugan ay dib ugu laabtaan xeryihii qaxootiga, taasoo loogu qiil dayaayo in lagu kufsado, lagu jirdilo loogana qaato lacag sharci daro ah.

Warbixinta ayaa Booliska Kenya ku eedaysay  inay xireen ku dhawaad 1000 qof, iyaga oo ku sheegay dadka ay dhibaateeyeen in ay yihiin argagaixiso waxaana ay dalbadeen lacag si loo sii daayo.

Dowladda Kenya ayaan wax jawaab ah ka bixin codsi ay ha’yadda HRW  kaga codsatey in ay kaga jawaabaan warbixintooda.

Faahfahinta warbixintan ka dhegayso halkan

VOA Somalia

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online