Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM oo xiray wadooyinka magaalada Muqdisho

May 6, 2013 - Written by Editor

Caasimadda-MuqdishoMuqdisho:-Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa saaka mar kale dib u xiray wadooyinka waaweyn ee Muqdisho, xili shalay uu qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay isgoyska KM-4 kaas oo galaaftay nolasha dad rayid ah .

Waddooyinka la xiray saaka ayaa waxaa ka mid ah jidka Maka Al-Mukarama, isgoysyada KM-4, Isgoyska Zope iyo Isgoyska Banaadir, waxaana ciidanka DFS ay baarayaan gawaarida sida gaarka ah loo leeyahay iyo kuwa Bl-ka.

Ciidanka DFS oo isigu jira kuwa Melatariga iyo Boolis ayaa saaka aroortii lagu soo daadiyey xaafadaha magaalada Muqdisho iyaga oo xanibay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha waxaana arinkaas cabasho ka muujiyey dadka waayeelka ah iyo qaar ka mid ah ganacsatada gobalka Banaadir.

Taliyaha ciidamada Taraafikada ee DFS Gen. Cali Xirsi Barre (Cali-Gaab ) ayaa sheegay in DFS ay mamnuuceen in gawaarida caasiga ah ee loo yaqaan Hoomeyda in ay soo maraan  wadada Maka Al-Mukarama.

Gen Cali Gaab ayaa sidoo kale sheegay in gawaarida laga joojiyey in ay maraan wadooyinka Maka Al-Mukarama, isgoysyada KM-4, Zope iyo Isgoyska Banaadir wuxuuna ugu baaqay gawaarida Bl-ka in ay maraan wadooyinka xaafadaha dhexmara isaga oo digniin u diray gaari walba oo isku daya in uu soo maro wadooyinka la xiray.

Dhanka kale Taliyaha ciidamada Taraafikada ee DFS ayaa soo bandhigay gawaari si sharcidaro ah loo soo raray oo waday wax tankooda ka badan waxaana lagu xiray xarunta ciidanka Taraafikada ee DFS .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online