Ciidanka AMISOM oo xiray Idaacada ka howlgasha magaalada B/weyne

May 1, 2013 - Written by Editor

hiiraanBaladweyne:-Ciidanka AMISOM ee gacanta ku haya magaalada B/weyne ayaa albaabada u laabay idaacad madax banaan oo ka howlgali jirtay magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxaana lagu eedeeyey idaacada in ay sii deysay war been abuur ah sida uu warbaahinta u sheegay Taliyaha Ciidamada Jabuuti ee Baladweyne ku sugan Col. Cismaan Dubad.

Taliyaha Ciidamada Jabuuti ee Baladweyne ku sugan Col. Cismaan Dubad ayaa sheegay in Idaacada ay ka howlgaleysay gudaha magaalada B/weyne mudo laba bilood ah wuxuuna sheegay in sababta lagu xirayna ay tahay iyadoo baahisay in Ururka Al-shabaab ay la wareegeen deegaanka Ceel-gaal.

Col. Cismaan Dubad Taliyaha Ciidamada Jabuuti ee Baladweyne oo la hadlay saxaafada ayaa yiri Idaacada warka ay baahisay markiii  la baaray wuxuuna noqday mid been ah oo dadka lagu cabsi gelinayay taas ayaana u xirnay idaacada”

Agaasimaha Idaacada Codka Bartamaha oo  Axmed Sh Nuur oo isaguna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in warka ay baahiyeen uu
yahay mid  ay ka soo xigteen dad goobjoogayaal ah wuxuuna sheegay in la xiray Madaxii Idaacada Cusmaan C/llaahi Careys iyo Tifaftirihii Siraaji Cumar Cabdi.

Wararka ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya caawa ayaa sheegaya in dib ay xoreydooda u heleen Madaxii Idaacada Codka Bartamaha iyo Tifafiraha idaacada .Waxaa wili hawada ka maqan Idaacada  Codka Bartamaha oo ay saaka ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ay albaabada u laabeen.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online