Dagaal khasaare nafeed geystay ayaa Al-Shabaab iyo ciidamada Itoobiya ku dhex maray gobolka Hiiraan.

May 22, 2013 - Written by Editor

shabaabHiiraan:-Dagaalka oo shalay dhacay, ayaa waxay laba dhinac  isku farasaareen deegaanno ku dhow xadka gobolka Hiiraan la wadaago xuduudda gobolka ay Soomaalidu degto ee dalka Itoobiya.

Dad kor u dhaafaya 10 qof ayaa ku dhimatay dagaalka, iyadoona warar madax banaan aan laga haynin sida uu u dhacay dagaalka iyo inta ay le’eg tahay waxyeelada rasmiga ah ee uu dagaalku geystay.

Dhinaca kale wararka shabakadda Somalireal ka heleyso gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya inuu jiro isku dhac dhexmaray Al-Shabaab iyo dad reer guuraa ah, waxaana jirta in dhowr qof oo odoyaal u badan ay ku dhinteen gacanta ururka Al-Shabaab, waxaana wararku intaas ku darayaan in isku dhacyadaas ay salka ku hayaan xoolo Shabaabku doonayeen inay Zako ahaan u qaadaan iyo dadka xoolaha leh oo ka horyimid.

Gobolka Hiiraan, ayaa waxaa ku sugan ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwo Jabuuti ka socda oo ku howlgalla magaca midowga Afrika ee AMISOM, iyadoona dhinaca kale magaalooyin gobolka ka mid ah ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Somalireal/Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online