Faahfaahin qolada isku deyday in ay jabsato Halgan.net oo fashilmay (Warbixin)

May 5, 2013 - Written by Editor

ip2Luxembourg:-Waxaan caawa u soo gudbineynaa Akhristayaasha Halgan.net mid ka mid ah ragga isku dayey in uu galo adminka Halgan.net isaga oo isticmaalay magacyo been ah isagoo ku fashilmay.Qofka isku dayey in uu galo Halgan.net ayaa waxaa uu ku sugan yahay magaalada Luxembourg.

Maamulka Shabakadda wararka Halgan.net ayaa waxaa macluumaadkiisa ay u gudbiyeen laamaha khuseeya arrimahaas ee magaalada Luxembourg iyadoo jawaabta ka soo baxda aan xogteeda u soo gudbin doono Akhristayaasha sharafta badan ee  Halgan.net.

Qofka sameeyey isku dayga in uu galo ama Jabsado Adminka Halgan.net ayaa waxaa uu isticmaalayey Ip Adress-kan 94.242.237.96 waxaana uuna degan yahay magaalada Luxembourg ee dalka Jarmalka sidda aad ku arki doontaan macluumaadka hoos ku xusan.

Magacyada  Beenta ah ee uu Isticmaalay shaqsigaan ayaa waxaan ka xusi karnaa kuwa soo socda.

1- Admin

2- Finland

3- Habeenkii

4- Khudbadii

Hoos Ka Daawo Macluumaad Dheeraad ah qolada isku deyday in ay jabsato Halgan oo fashilmay

no images were found

Hoos ka eeg Halka uu degan yahay qofka isku dayey in uu galo adminka  isagoo isticmaalay User-da been ah.

no images were found

Macluumaad kale oo dheeri ah waxay u badan tahay in uu ka soo galay Internet Caffe walow arrinkaas ay weli ku socoto baaritaan.

no images were found

Maamulka Halgan.net

4 Comments so far

Leave a comment

  1. Alaahu akhbaar!! Ilaahay hadin cizeyo walaalaha halgan.net umada somaliyeedna kheyr alaha idinka siiyo- tugadan wax jabsaneeyso Mel fican baa oga soo hearten

  2. scw

    waxaan Maqli jiray Tuug la qabtay Talo ma leh, waxaan ku talin lahaa kuwa doonaya in si sharci daro ah u jabsadaan Web aysan lahayn in aan loo naxariisan oo lagu dacweeyo Hay’addaha amniga ee arrimahaas khuseeya si ay arrimahaas uga waan toobaan.

    ws

  3. scw

    Waa wax lag farxo in tuugadii laga hor istaagay in webka Halgan.net ay si fudud ay u jabsadaan balse waxaa halkaas iiga muuqda in beentii soo xirantay oo dadkii Soomaaliyeed ay ogaadeen xaqiida jirta Allaha kuwa sharta wada umada ha ka qabto Good Job maamulka Halgan.net

    ws

  4. waa dad markay ogaadeen in dadku ogaaday beentooda faraha badan ayay waxay dhaheen beentiina waa la bartay website ay dadku ku kalsoon yihiin jabsada oo halkaa ku faafiya been abuuradiina, taasina waxay muujinaysaa inay hada marayaa nafla caari heer ay gaareen inay tuugo isu badalaan

Leave a comment

*