Fadlan Caawi Maryan C/laahi Cali oo labada Kilyood aysan Shaqeynayn (Daawo)

May 6, 2013 - Written by Editor

pc 2Nairobi:-Maryan C/laahi Cali waa gabar Soomaaliyeed oo ku xanuunsan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaana ay ka xauunsan tahay labada kilyood oo dhaqadoodii gabay waxaana walaal ka mid ah walaalha uu ka keenay xeryaha qaxootiga iyada oo in mudo ah ku xanuunsan magaalada Nairobi

Mid ka Mid ah wariyaasha Halgan.net ayaa socdaal ugu tagay walaasheen Maryan Claahi Cali waxaana ay ka codsatay in baaq iyo qeylo dhaan laga gaarsiiyo walaalaha Soomaalida ee qurbaha ku sugan iyada oo ka codsatay kaalmo hiil iyo hooba lala soo gaaro.

no images were found

Hay,adaha Gaalada ayaa dad badan oo Soomaali ah ku gaaleysiiyey dalka Kenya iyaga oo ka faa,idysanaya dhibka iyo cudurka heysta Soomaalida ka soo qaxay dagaalada ka socda Soomaaliya.

Waxaa laga codsanayaa dhamaan walaalaha muxsiniinta ah in ay caawiyaan walaashood Maryan C/laahi Cali oo ka aysan shaqeyneyn labadeeda kilyood waxaana lagu dhaqaa bil kasta inta u dhaxeysa 100 ilaa 200 USD ah mana jirto cid qaraabo ah oo aan ka ahayn walaalaheed muslimiinta oo ay u soo qeyshatay.

Hoos Ka daawo Maryan C/laahi Cali oo codsi u direysa walaalaheed Islaamka ah

Maryan C/laahi Cali ayaa xaalkeeda hada uu ka sii darayaa waxaana ay dhaqaatiiru sheegeen in xal kale aan jirin in laga badalo kilyaha mooyeen badalka kilyahana waa qarash aad u badan.

Maryan ayaa sidoo kale ka codsatay walaalaha Islaamka in ay u soo duceeyaan in alle uu siiyo Caafimaad wanaagsan waxayna u mahad celisay dadka soo caawinayey mudo aad u dheer .

Yaasiin Cabdi Ahmed
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. Allaah swt ha caafiyo Walaashen Maryam Aamiin Ya Rabbi

Leave a comment

*