Gacan ku dhiiglayaashii dilay ANH Sheekh C/Qaadir Nuur Faarax oo Maxkamad la keenay

May 23, 2013 - Written by Editor

sheekh-cabdulqaadirGaroowe:-Waxaa shalay la keenay Maxkamadda Darajada Koowaad ee magaalada Garoowe gacan ku dhiiglayaashii dilay Alle ha u naxariistee Sheekh C/Qaadir Nuur Faarax. waxaana tirada guud ee loo heysto dilka Sheekhu uu yahay 9 qof.

Ciidanka Amaanka ee magaalada Garoowe ayaa haya laba ka mid ah gacan ku dhiiglayaashii dilay Alle ha u naxariistee Sh.C/Qaadir Nuur Faarax waxayna kala yihiin .

1) C/Raxmaan Xuseen Jaamac Bile, hooyadiina lagu magacaabo Maryan Diiriye, waana ninkii madaxa ka toogtay oo dilay sheekha Alle ha u naxariistee .

2) Cabdullaahi Cismaan Ahmed (Ceynte) hooyadiina lagu magacaabo Xaawo Maxamed Sheekh waa ninkii maamulay dilka sheekha baastooladda sheekha lagu dilayna bixiyay sida maxkamada laga sheegay .

Waxaa maxkamada ka maqnaa ilaa 5 oo ay  ku jirto qof dumar ah oo dhamaan lagu  eedeeyey in ay ka mid yihiin kooxaha amniyaadka ee Ururka Al-Shabaab qeybna ka ahaayeen dilka Sheekh C/qaadir Nuur Faarax waxayna kala yihiin.

1-Maxamed Cabdulaahi Ilkacase
2-Mawliid Maxamed(Gaashaan)
3-Shaqle Xasan Haybe
4- Buni Maxamed
5 Shiine.

Maxkamadda Darajada Koowaad ee magaalada Garoowe ayaa dib u dhigtay laba dhalinyaro ah  oo ay maxkamadu sheegtay in wili ku socdaan baaritaan markuu u dhamaadana dib loo keeni doono Maxkamada.

Maxkamada ayaa markay dhageystay eedeynaha loo soo jeediyey gacan ku dhiiglayaashii dilay Alle ha u naxariistee Sh. C/Qaadir Nuur Faarax. waxay ku xukuntay dil toogasho ah waxayna ka qaateen Racfaan waxaan dib loo furi doonaa Maxkamadooda maalmaha soo socda.

Dadweynaha ku dhaqan deegaanada Puntland ayaa dhowraya halka ay ku biyo shubato Maxkamada gacan ku dhiiglayaashii dilay Alle ha u naxariistee Sh. C/Qaadir Nuur Faarax.

Allaha u naxariistee Sh. C/Qaadir Nuur Faarax  ayaa lagu dhex dilay Masjidka Al-Badr ee bartmaha magaalada Garowe 15-kii February,2013 xili uu tukanayey Salaada Casar.

Halgan.net
Garoowe

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online