Golaha Wasiirada oo ansixiyey taliyeyaasha amniga iyo qorshaha maamulka maaliyada dalka

May 2, 2013 - Written by Editor

IMG_7590Muqdisho;-Shirkii Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaaliga ah ee Soomaaliya oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayay maanta ku gor feeyay dib-u-habaynta maamulka maaliyadda, waxayna asnixiyeen magacaabista taliyayaha Nabad Sugida Qaranka Jen. Bashiir Maxamed Jaamac iyo Taliyada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabidxakin Daahir Saciid “Saacid”.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Cabdishakuur Cali Mire oo saxaafada la hadlay shirkii Golaha Wasiirrada kadib ayaa sheegay in goluhu cod aqlabiyad ah ku ansixiyay taliyeyaasha booliska iyo nabad sugidda qaranka, kadib markii ay magacaabistooda gollaha u soo gudbisay Wasaarada Arrimaha Guddaha iyo Amniga Qaranka.

“Waa labo Jeneraal oo dalka laga yaqaan, aad baana Soomaalinimadooda, aqoontooda iyo hawl karnimadooda ugu kalsoonahay, waxaana ku kalsoonahay inay horseedi doonaan isbadal iyo horukac dhanka amniga dalka laga gaaro,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu. Dhanka kale goluhu wuxuu si buuxda isugu raacay barnaamijka dib-u-habaynta maamulka maaliyadda – DMM ee loo yaqaan (Public Financial Management – PFM) oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyaddu. Barnaamijkan ayaa lagu nidaaminayaa laguna xakamaynayo maamulka dhaqaale ee dalka afarta sano ee soo socota. Waxaana fulintiisa waxaa ku baxaysa 26 milyan oo Dooolar.

DMM ayaa lagu hormarinayaa maamul wanaaga dhinaca maaliyadda oo ay ka mid yihiin;- habaynta miisaaniyadda qaranka, taas oo ay ku lamaansan yihiin aruurinta dakhliga, horumirinta xafiiska xisaabiyaha guud, hanti dhowrka guud, iyo horumarinta wada shaqyanta baarlaamaanka iyo hay’adaha maaliyadda. Waxayna wasaaradu ku tilmaantay barnaamij hufan oo si cad layskula xisaabtami doono, ayadoo laga hortagayo maamul xumada iyo musuq-maasuqa isla markaana sare loogu qaado dakhliga soo gala dawladda.

“Waa qorshaha cusub ee aanu ku soo noolaynayno maamulka maaliyadda ee aas-aaska u ah dhaqaaleheena iyo dawladnimadeena, waana barnaamij waqtiga la socda oo lagu tayeeynayo laamaha maamulka dhaqaalaha dalka” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu.

Ugu danbayntii, barnaamirkaan dib-u-habaynta dhaqaaluhu wuxuu saldhig u yahay qorshaha lixda qodob ee tiirarka siyaadda dawladda ee uu ku dhawaaqay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud.

Warfaafinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
media@opm.gov.so

DHAMAAD

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online