Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS oo ku laabtay Muqdisho (Warsaxaafadeed)

May 3, 2013 - Written by Editor

jawaariMuqdisho:-Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib safar shaqo oo uu ku tagay dalka aynu walaalaha nahay ee Turkiga.

Gudoomiyaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Airport kusoo dhaweeyey mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee Dowladda oo uu hogaaminayey Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Baarlamaanka oo xiligaas ahaa kusimaha Madaxweynaha Dalka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar.

Markii lagu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha kadib ayuu Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka waxa uu saxaafadda Shirjaraa’id ugu qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaana uu ugu horeyn Gudoomiyaha ku bilaabay shirkiisa jaraa’id hambalyo uu u diray saxafiyiinta Soomaaliyeed oo uu ugu hambalyeeyey maalinta Saxaafadda caalamka ee 3da May.

no images were found

“runtii waxaan rabaa inaan ugu horeyn ku bilaabo hadalkeeyga hambalyo aan u dirayo saxafiyiinta Soomaaliyeed oo xaqiiqdii u dhabar adeegay xaalad adag islamarkaana u taagan shacabka Soomaaliyeed iney xaqiiqda usoo gudbiyaan ayagoo la dhibaateeynayo, waxaan uga tacsiyadeynayaa saxafiyiinta dhibaatada soo gaartay waayo qaarkood ayaa la dilay ayagoo waajibaadkooda gudanaya, mar walbana waxaan leeyahay saxafiyiinta ogaada amaannada aad shacabka Soomaaliyeed oo ah inaad xaqiiqda usoo gudbisaan”ayuu ku bilaabay shirkiisa jaraa’id Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa faah faahin ka bixiyey safarkii shaqo ee isaga iyo wafdiga uu hogaaminayey ay ku tageen dalka aynu walaalaha nahay ee Turkiga waxaana uu tilmaamay in safarkaasi uu ka dambeeyey kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa dalka Turkiga waxaana uu xusay inuu dalkaasi kulasoo kulmay Gudoomiyaha Baarlamaanka Turkiga, Madaxweynaha Dalka Turkiga,Ra’isulwasaare Ku Xigeenka Dalkaasi Bakiir Bozdag iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladaasi islamarkaana waxyaabihii ay ka wada
hadleen guul laga gaaray.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa xusay in dhowaan ay si rasmi ah u bilaaban doonaanna wada shaqeyn dhexmareysa labada Baarlamaan oo gudiyo ka kala socda labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Turkiga ay si rasmi ah ugu shaqeyn doonaan si wadajir ah magaalooyinka Muqdisho iyo Ankara.

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta Gudoomiyaha Baarlamaanka

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online