Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka Puntland shir jaraa’id ku qabtay Garoowe

May 6, 2013 - Written by Editor

DrGaroowe:-Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka Puntland  Dr.Maxamed Xasan Barre ayaa maanta shir jaraa’id  ku qabtay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland isaga oo shaaca ka qaaday  11-Bishan May  ay ku eg tahay xilliga la soo gudbinayo musharixiinta ka qeyb-galeysa doorashooyinka goleyaasha deegaanka Puntland .

Guddoomiyaha guddiga doorashada Maxamed Xasan Barre ayaa waxaa kale oo sheegay wakhtiga la qabanayo doorashooyinka goleyaasha deegaanada Puntland waxaana uu sheegay in la qaban doono 30-ka June 2013.

Gudoomiyaha guddiga doorashada ee Puntland Dr.Maxamed Xasan Barre ayaa waxaa ka mid ahaa hadladiisa ”Waxaan la socod siineynaa ururada siyaasada inay ugu danbeyso soo gudbinta liisaska musharaxiintooda  11 May,2013 saacadu markay tahay 5:00 galabnimo”

Sidoo kale Dhinaca kale Gudoomiyaha guddiga doorashada ee Puntland Dr.Maxamed Xasan Barre  ayaa sheegay in dowlada Puntland ay sida ugu dhaqsaha badan ay u soo dhisi doonto Maxkamada dastuuriga taas oo kala saari doonta Musharixiinta.

Labo ka mid ah 6 Urur ee Puntland ayaa qaadacay in ay ka qeyb galayaan doorashooyinka goleyaasha deegaanka Puntland  waxay kala yihiin Ururada Midnimo iyo UDAD kuwaas oo dhaliilay qaabka ay gudiga doorashooyinka Puntland wax u wadaan.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online