Heshiis dhexmaray Jaamacada Bariga Africa(EAU) iyo Wasaarada Caafimaadka Puntland (MOH)

May 22, 2013 - Written by Editor

3Garoowe:-Jaamacada Bariga Afrika ayaa ah Jaamacada ugu da’da weyn uguna balaaran deeganaada Puntland Sidoo kale JBA waa jaamacada kaliya ee leh kuliyada Caafimaaadka iyo Cisbitaal u gaar ah (teaching hospital). Dhawaan ayaa magaalada Garoowe ee caasumada dowllada Puntland waxaa heshiis is afgarad ku kala saxiixday Wasaarada Caafimaadka ee Puntland iyo Jaamacaddda Bariga AfriKa.

no images were found

Heshiiskaas oo labada dhinac ay isku raaceen qodobo dhawr ahaa oo ay ka mid ahaayeeen

1) in Wasaarda Caafimaadku u aqoonsato Cissbitaalka JBA uu noqdo Public teaching Hospital.

2)in Wsaaarada Caafimaadku u fududayso sidii ay kuliyada caafimaadku ugu xirmi lahayd hayadaha caalamiga ah.

4) in Ardayda dhigata kuliyada caafimaad ee JBA ay ka qayb qaataan dhamaan hawlaha lagu dardar galinaya arimaha caafimaadka ee deegaamada Puntlad.

5) in wasaaradu ay ka caawiso Aradayda wixii aqoon korarsi ah iyo tababarada caafimaadka iyo kuwa kale .

Heshiiskan ayaa ahaa mid aad loogu baahnaa xili ay kuliyada caafimaadka ee JBA ay dhawaan soo saari doonto dufcadii ugu horaysay ee dhakhaatiir ah. Sidoo kale Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Cabdulaahi Warsame ayaa ku booriyay JBA in ay halkaas kasii wado soo saarida dhakhaatiirta iyadoo uu sheegay in baahi weyn loo qabo in la helo dhalinyaro aqoonta caafimaadka ku takhasustay oo daboosha baahida hadda taagan ayadoo ay booska kasii baxayaan dhakhaatiirtii hore ee waaya araga ahayd.

Gudoomiya JBA ayaa dhiniciisa uga mahad celiya Guud ahaan Dawlada Puntland gaar ahaan Wasaaradda Caafimaadku sidda ay had iyo goor ugu dadaalayso kor u qaadista arrimaha caafimaadka. Hishhiska ayaa dhinaca Wasaarada Caafimaadka waxaa u saxiixay Wasiirka Wasaaradda Dr. Cali Cabdulaaahi warsame hala uu Jaamacada Bariga Africa u saxiixay Gudoomiyaha Jaamacada Dr Cabdirazaaq Hiirad Maxamed.

Halgan.net
Boosaaso

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online