Isbaarooyin la soo dhigay Wadada u dhaxysa Muqdisho iyo Marka

May 12, 2013 - Written by Editor

isbaaro1Afgooye:-Wararka naga soo gaaraya Degmada Afgooye ayaa sheegaya in darawalada gawaarida ka dhaqeysa inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Marka ay shaqa joojin sameeyeen ka dib markii isbaarooyin badan la soo dhigay wadada u dhaxysa Muqdisho iyo Marka.

Isbaarooyinka ayaa waxaa dhigtay ciidamo ka tirsan DFS iyaga oo gaari walba ka qaadaya 200,000 oo shilin Soomaali ah waxaana ay dhibaato ku hayaan shacabkii u kala gooshi jiray Muqdisho iyo Marka.

Maamulka gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in ay dhowr mar ashtako gaarsiiyeen wasaarada arimaha gudaha iyo wasaaarada G/dhiga ee DFS si wax looga qabto Jid gooyooyinka la soo dhigay wadada u dhaxysa Muqdisho iyo Marka balse aan ilaa haatan aan wax laga qaban.

Wararkii iugu danbeeyey ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan AMISOM iyo kuwa DFS ay ku guuleysteen in galinkii danbe ee maanta ay qaadeen 10 Isbaaro waxaana warbaahinta u xaqiijiyey Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose Cabduqaadir Maxamed Nuur.

Cabdi Yare
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online