Jaaliyadda Puntland ee Leicester oo soo dhaweysay Gudoomiyaha rugta ganacsiga.[Daawomasawirada] Puntland

May 13, 2013 - Written by Editor

IMG_7003Leicester:-Casho sharaf aad iyo aad u heer sareysa ayaa xalay lagu qabtay magaalada Leicester kaasoo ay si wadajir ah u soo qaban qaabiyeen jaaliyadda reer Puntland ee magaalada Leicester. Casho sharaf taas waxaa lagu soo dhaweynayey gudoomiyaha rugta ganacsiga ee Puntland Siciid Xuseen Ciid. Xafladaas oo bilaabatay abaarihii lixdii iyo barkii maqrib nimo ayaa waxaa si qurux badan u daadiheynayey Farxaan Cali Nuur oo ka mid ahaa qabanqaabiyaashii xafladda.

Xiriiriyaha barnaamijka bariidin iyo soo dhaweyn kadib waxa uu kusoo dhaweeyay Sh.Cabdiwali oo ku furay wacdi iyo kalimado diini ah, kadibna waxaa hadalkii qaatay Maxamed Xasan oo ahaa gudoomiyihii guddigii qabanqaabada xafladda, isagoo kasoo sheekeeyey qaabkii iyo sidi ay xaflada loo soo maareyay. Kadib waxaa lagu soo dhaweeyay gudoomiyaha jaaliyadda Puntland ee Leicester Mudane Cabdixakiim Jaamac jooje oo runtii si sharaf iyo qadarin ku jirto ugu soo dhaweeyay marti sharafta magaalada Leicester, kana warbixiyey nolosha ummadda Soomaaliyeed ee Leicester gaar ahaan reer Puntland.

no images were found

Intaas ka dib waxaa hadalkii lagu soo dhaweeyay gudoomiyaha rugta ganacsiga mudan Siciid Ciid oo runtii si wanaagsan uga faalooday muhiimadii uu lahaa Shirkii loo qabtay ganacsatada Soomaalida ee London. Sidoo kale waxaa uu kasoo sheekeeyay waxqabadka rugta ganacsdiga ee Puntland. Isagoo u soo bandhigay jaaliyadda sawiro iyo dokumantiyo qiimo baddan oo ka hadlayey horumarka ay sameysay Rugta ganacsiga Puntland iyo waliba nolosha guud ahaan ee Puntland.

Dhinaca kale waxaa bilowday su’aalo ay jaaliyaddu weydiinayeen gudoomiyaha rugta ganacsdiga ee Puntland kuwaaso aad loogu qancay sida uu uga shaafiyey jaaliyadda. Kadibna waxaa lagalay casho sharaftii oo runtii aheyd mid si heer sare loosoo agaasimay..

Run ahaantii waxaa xusid mudan sida howlkarnimada leh ee ay jaaliyaddu isugu soo dubarideen barnaamijkaas casho sharafta ahaa iyadoo ay mahad gaar ah leeyihiin dadkii sida gaarka ah arintaas isaga xilsaaray oo ay ka mid yihiin Maxamed Xasan, Axmed Cali Cismaan, Ismaaciil Camale, Cismaan Cumar Boqor iyo Farxaan Cali Nuur. Waxaa kaloo mahad gaar ah iska lahaa bahdii Mediaha oo ay ka mid ahaayeen Fahad yare, Maxamed Shiine iyo Bashiir Isqasaal.

Guud ahaan xafladu waxa ay kusoo gabagabowday si heer sare ah iyo jawi aad u wanaagsan.

Waraysiga iyo sawirada xaflada Guddoomiyaha rugta ganacsiga Puntlland Siciid Xuseen Ciid ayaan dib idinkaga soo gudbin doonaa insha Allaah.

Mahadsanidiin Bahda Iftiinshe Media

Leicester

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online