Jaamacada Bariga Afrika(JBA) oo ka qayb gashay Kulanka Jaamacadaha Afrika oo lagu qabtay dalka Kenya

May 30, 2013 - Written by Editor

AVUBoosaaso:-Kulan ay soo qaban qaabiyeen ururka Jaamacadaha Africa ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan African Virtual Universities(AVU) ayaa waxaa lagu qabtay 17-24 May 2013 magaalada Nairobi ee dalka Kenya , Hotelka Intercontinental. Kulan ka oo ay isugu yimaadeen waddamada ku hadla Englishka, Arabiga, Fransiska iyo Portaqiiska ee Africa ayaa waxaa ka mid ahaa waddamadii ka soo qayb galay: Benin, Burkina Faso, Burundi, Cameron, Dr. Congo, Mali, Maurtania, Niger, Senegal, Somalia, Gambia, Ghana, Kenya, Namibia, Nigeria, Rwanda, Sudan, South Sudan, Tanzania, Cape Verde, Guinea Bissau, Ethopia, Madagascar,  Zimbabwe, Mozambique iyo South africa.

Kulankan oo looga hadlayay sidii kor loogu qaadi lahaa tayada manaahijta waxbarashada iyo adeegsida technolojiyadda ayaa waxaa si gaar ah loogu falanqeeyay Manhajka tababarka macallimiinta iyo Cilmiga Computerka. Kulanka oo socday muddo 6 cisho ah ayaa waxaa ka qayb galay wafti ka socday Jaamacadda Bariga Africa. Waftiga JBA uga qayb galay ayaa waxay kala ahaayeen G/Ku xigeenka JBA  Mr. Dayib Cali Maxamed iyo madaxa xiriirka caalamiga  Mr C/rasaak Macalim Bashir.

no images were found

Madaxa Ururka Jaamacada Africa(AVU) Dr.Diala oo ay si gaar ah u kulmeen wafdigii ka socdayJJamacada Bariga Africa ayaa si gaar ah uga mahad celiyay kasoo qayb galka iyo  dadaalka ay muujiyeenn iyo sida ay u buuxiyeen doorkii waxbarashada ee Somaliya iyadoo ay soomaaliya mudaba dheer la daalaa dhacaysay dawlad la’aan.

Kuxigeenka madaxa Jaamacadda Africa Mudane Dayib Cali Maxamed oo ka hadlay goobta ayaa ku tilmaamay fursad qaali ah midaynta manaahijta jaamacadaha Africa iyo isticmaalka technolojiyadda casriga ah si sare loogu qaado aqoonta dhalinta afrika.

War murtiyeed ka soo baxay shirka ayaa lagu soo bandhigay in manaahijta jaamacadan loo sahli doono ardayda Africa dhamaan si ay uga la dagaan shabakada internet iyagoo aan bixin wax lacag ah. Arrintan oo qayb ka ah horumarinta iyo baahinta aqoonta ardada qaaradda Africa.

Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online