Madaxwayne ku xigeenka Jubaland oo eedeyn u jeediyey madaxda DFS (Dhageyso)

May 27, 2013 - Written by Editor

fartaagKismaayo:-Madaxwayne ku xigeenka Maamulka Jubaland Gen.Cabdilaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa markii ugu horeysay ka hadlay  wafdiga ka socda DFS ee haatan ku xayiran garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose wuxuuna sheegay in ay ka warqabin sababta ay wafdigan u yimaadeen magaalada Kismaayo xili wufuud kale oo ka socda DFS ay ku sugan yihiin gudaha magaalada Kismaayo.

Gen.Cabdilaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag Madaxwayne ku xigeenka Jubaland ayaa wareysi siiyey Radio Garoowe  waxaana uu sheegay in Maamulka ay ka dhiseen magaalada Kismaayo ay waafaqsan tahay Dustuurka dowlada Federaalka ee Soomaaliya isaga oo ku eedeeyey madaxada DFS in ay dhibaato ka wadaan magaalada Kismaayo.

Mar wax laga weydiiyey Madaxwayne ku xigeenka Jubaland Gen.Cabdilaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag Mooshinka la sheegay in xildhibaano ka tirsan DFS ay ka keeneen ciidanka Kenya ayaa waxaa uu sheegay in Mooshinka uusan gaar ku noqon doonin ciidamada Kenya balse AMISOM oo dhan laga keeni doono waxaana uu hoosta ka xariiqay in dadka ay wax isku wada darsadeen dowladana ay tahay mid Federaal  ah.

Madaxweyanaha DFS iyo Xukuumada Raiusulwasaare Saacid ayaa si aad ah u diidan Maamul gobaleedka J/land oo  haatan uu madax u yahay Axmed Madoobe waxaana ay dowlada ku baaqday in iyada looga danbeeyo sameynta iyo hogaanka Maamulada dalka ka hirgalaya.

Hoos ka Dhageyso Wareysigii Madaxwayne ku xigeenka Jubaland Gen.Cabdilaahi  Sheekh Ismaaciil Fartaag uu la yeeshay Radio Garoowe.
[audio:http://k003.kiwi6.com/hotlink/j331j9xcdx/fartaag.mp3″]

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online