Madaxweynaha DFS oo xalay ka dhoofay Muqdisho kuna sii jeeda London

May 6, 2013 - Written by Editor

DSC00372Muqdisho:-Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay ka dhoofay magaalada Muqdisho isaga oo ku sii jeeda magaalada London si uu uga qeyb galo Shirka London oo ay soo qabanqaabisay dowlada Britain waxaana shirka looga hadli doonaa arimaha Soomaaliya.

Shirka ka furmaya magaalada London ee xarunta dalka Britain ayaa waxaa lagu casumay madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud waxaana shirka shirgudoomin doona Ra’iisul wasaare dalka Britain David Cameron iyada oo khudbad u ka jeedin doono madaxweynaha DFS.

Kulanka ka dhacaya 7-da bishan May ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa arimaha kala ah dhiska ciidamada DFS ,horumarinta adeegyada garsoorka,dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha ee DFS waxaana kulanka ka soo qeyb gali doona in ka badan 50 dowladood.

Shirka ka dhacaya magaalada London ayaa waxaa diiday in ay ka qeyb galaan Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole iyo Madaxweynaha Maamulka Somaliland Ahmed Siilaanyo, iyaga oo ku dooday in aysan ka warqabin lagana tashan ajandaha Shirka London.

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa socdaal uu ku tagay magaalada Garoowe waxaa uu isku dayey in uu ku qanciyo madaxweynaha Puntland in uu ka soo qeybgalo shirka London taas oo fashil ku dhamaatay .

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online