Madaxweynaha DFS Xasan Sh Ciidanka Kenya Hawshoodii ayay Baal Mareen (Dhageyso)

May 27, 2013 - Written by Editor

xasan_shMuqdisho:-Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa walaac ka muujiyay ciidamada nabad ilaalinta ee ka socda dalka Kenya ee ku sugan magaalada Kismaayo, ka dib markii ay diideen inay sugaan ammaanka xubno ka socday golaha xukuumadda ee Soomaaliya oo gaadhay magaalada Kismaayo.

Waxaanu arrintan ku soo qaaday shir-madaxeedka Midawga Afrika ee Addis Ababa.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in uu wada hadal arrintan kala yeeshay madaxda ururka Midawga Afrika.

Madaxweynaha oo arrintaasi ka hadlaya ayaa yidhi “Annagu dhinacayga ma jirto wax cabasha ah oo aanu ka qabno Kenya, laakin qayb ka mid ah ciidamada xubinta ka ah AMISOM ayaa si khaldan u dhaqmay waxaanay hareer-mareen ha

Ma jirto wax cabasha ah oo aanu ka qabno Kenya, laakin qayb ka mid ah ciidamada xubinta ka ah AMISOM ayaa si khaldan u dhaqmay waxaanay hareer-mareen hawshii loo igmaday .
Inkasta oo uu madaxweynaha Soomaaliya ka xumaaday diidmada ay ciidamada Kenya diideen inay sugaan ammanka wafdiga Xukuumadda, hadana waxa uu madaxweynuhu sheegay in dawladdiisu ay haysato taageerda wadamada gobolka oo ku taageersan dawladda sidii ay u hanan lahayd maamulka dalka una soo celin lahayd nidaamka iyo kala dambaynta.Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ammaanay taageerda farsamo ee uu urur goboleedka IGAD oo ay xubin ka tahay dawladda Kenya ay ka gaysanayaan dib u dhiska Soomaaliya.“IGAD waxay si cad u sheegeen doorkooda oo ah taageerda dawladda Soomaaliya, anaguna aad ayaan ugu faraxsannahay mawqifka IGAD.” ayuu yidhi madaxweynuhu.Ururka IGAD ayaa doonaya in ay dawladda Federaalka ah ee Somalia ka caawiyaan qalalaasaha siyaasadeed ee ka taagan gobolada Jubbooyinka, kadib markii qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee gobolada Jubbooyinku ay si madax bannaan u doorteen Axmed Madoobe inuu noqdo madaxweynaha Jubbaland, arrintaasi oo ay dawladda federalaaka ah ay ku gacansaydhay “Waxaa jirta koox Kismaayo  joogta oo iskood go’aan u gaadhay, dabcan waa dad Soomaali ah,  wayna yeelan karaan aragti u gooni ah, laakin hal arrin ayaa maanta Soomaaliya muhiim u ah, taasi oo ah in ay jirto dawlad Federaal ah oo ay dadka soomaalida ah oo dhani leeyihiin.” ayuu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay magaalada Addis Ababa.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in garabyada ku shiray Kismaayo ay helayan baaq iyo gacan haadis, isla markaana si khaldan loogu sawiray inay kaligood ay maamul iyo dawlad goboleed u samaysan karaan.

Madaxweynaha ayaa  intaasi raaciyay in xukuumaddisu ay leedahay qorshe cad oo ku aaddan dib u dhiska waddanka iyada oo la samaynayo maamulo Kumeel gaadh ah, si jidka loogu sii xaadho qaranimo buuxda.

Waxaana ugu dambayntii uu ku daray in baahida ugu horaysa ee u muhiimsan dalku inay tahay  nabadgaliyada, iyada oo ay wali jiraan dhul ay maamulaan al Shabaab.

Jaawabta Ciidanka Kenya

Af-hayeenka Ciidamada Kenya Bogeta Ongeri ayaa beeniyey in ciidankooda Kismaayo ay si aan qummanayn u dhaqmeen.

Waxaana waraysi gaar ah oo uu siiyay laanta af Soomaaliga ee VOA uu ku sheegay in ciidankoodu hoos yimaadaan daladda AMISOM oo ay sugeen amniga madaxda dawladda ee timaadda Kismaayo oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon markii ay Kismaayo yimaadeen bishii Maarso.

Isagoo ka hadlayey in ciidankoodu ay diideen inay ilaalo siiyaan ergada dawladda ee dhowaan tagtay Kismaayo waxa uu yidhi “Ma jirto wax keenaya in ciidamada difaaca Kenya ay u dhaqmaan waxa lagu tilmaamay inaanay qummanayn sababtoo ah hawl naloo igmaday ayaa jirta taasi oo ah mid cad laga bilaabo taliska sare ilaa ciidamada furinta jooga.”

Mr Ongeri mar uu ka jawaabayay inay ilaalo u fidin waayeen wafdi ka socda dawladda waxa uu sheegay inaysan ku guuldarraysan inay saraakiisha ka imanaysa Muqdishu ay ilaaliyaan. Waxa uu yidhi taasi waa arrin layaab igu ah.

Waxa uu yidhi qaybtii ugu horraysay ee saraakiisha laga soo diray Muqdishu oo 28 ah markii ay Kismaayo yimaadeen xeradeenna Kismaayo ayey nala joogeen, waxay seexdeen xerada milatariga Kenya.

Waxa uu yidhi qaybtii labaad ee wafdiga oo 15 qof ka kooban iyaguna markii ay soo gaareen Kismaayo waxaa galbiyey taliyaha qaybta oo huteelkooda geeyey. Sidaas darteed ma fahamsani dhibka jira.

Waxa uu beeniyey in marna ay saraakiil dawladda ah ay u diideen inay magaalada galaan.

Afhayeenka ciidanka Kenya Bogeta Ongeri ayaa la weydiiyay in ciidanka Kenya ee ku sugan Kismaayo ay taageerayaan dhinac ka mid ah dhinacyada isku haya siyaasadda Kismaayo, waxaana uu ku jawaabay “Lama jirno dhinac, mana aha inaan dhinac raacno, taasi waa arrin siyaasadeed.”  waxaana uu intaas raaciyay “Xataa markii ay jiraan arrimo dhinac amniga ah oo taagan waxaan wargelintayada sii marinaa taliska ciidanka ee Muqdisho sababtoo ah ma doonayno inuu dhiig daato, waxaan doonaynaa nabad inay timaado. Ma dhici karto – ayuu yidhi – in askari ka tirsan ciidamada Kenya uu ku leg yeesho arrimo siyaasadeed, waxay ku taagan yihiin xilkooda oo ah amni iyo nabadda Kismaayo iyo meeshii laga hawlgeliyo oo ay tagaan.” ayuu ku soo gabagabeeyay hadalkiisa.

Hoos ka Dhageyso Warbixinta ay ka diyaarisa VOA Somalia

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online