Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho

May 28, 2013 - Written by Editor

xasanMuqdisho:-Madaxweynaha Dowllada Federaalka Soomaaliya Xassan Sh.Maxamuud oo maanta dib ugu laab tay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka warbixiyey shirkii Madaxda Midowga Afrika uu uga soo qayb galay magaalada Addis Ababa. Madax weynaha Dowllada Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowlladiisu aysan ka soo horjeedin in dadka degaaanka Jubooyinka ay samaystaan maamul u gaar ah isagoo sheegay in dowlladiisu ay ka digayso colaad iyo is qabqabsi taas oo faa’iido u noqon karta ururka Al-shabaab.

Hadalka Madaxweynaha DFS ayaa ku soo beegmaya xili shalay shirar jaraa’id oo uu qabtay magaalada Kismaayo Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbaland Gen Fartaag ku weeraray Madaxweynah Dowllada Federaaka Soomaaliya isagoo ku eedeeyey in uu colaad ka dhex hurinayo dadka degan Gobollada Jubooyinka iyo Gedo oo maamul Gobolleed ay hogaan ku doorteen samay stay.

Madaxweynaha DFS ayaa sheegay in dowlladiisu ay gogol nabadeed u fidinayso dadka degan Jubooyinka si ay u samaystaan maamulkooda ay iyagu leeyihiin si wax dagaal ah ama colaad ah aysan u imaan. Shirka Jaraa’d ee Madaxweynaha DFS ayaa ku soo beegmaya xili shalay uu madaxweynaha dowlada Puntlland Dr Cabdiraxmaan Faroole uu sheegay in gogol nabadeed oo uu ku hishiisiinayo dowllada iyo maamulka Jubballand uu ku qabanayo magaalad Garoowe.

A/cawaale
Halgan.net

 

 

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online