Madaxweynaha Dowlada Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole oo u Baqoolay dalka Kenya

May 29, 2013 - Written by Editor

FarooleGaroowe:-Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr.C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa maanta u baqoolay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaana uu uga sii gudbi doonaa dowlado ka tirsa IGAD.

Madaxweynaha Puntland Dr.C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliyey Wasiirka arimaha gudaha Gen.Cabdulaahi Axmed Ilkajiir iyo sarakiil ka tirsan madaxtoyada Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa warbaahinta kula hadlay  garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe waxaana uu sheegay in socdaalka uu ku tago dalka Kenya ay tahay mid lagu xaqiijinayo danaha Puntland.

Warar aan wili si rasmi ah loo shaacin ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole uu kulan la qaadan doono madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxmuud si ay uga wada hadlaan arimaha gobalada Jubooyinka iyo Gedo.

Madaxweyanaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku sugan magaalada Nairobi waxaana uu ku sii jeedaa dalka Jaban si uu uga qeyb galo shir gaar ah oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, kaas ka dhici doona 31 bishan magaalada Yokahama ee dalka Japan

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online