Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland oo loo doortay Gen. C/laahi Sh. Isma’iil Fartaag

May 17, 2013 - Written by Editor

1Kismaayo:-Waxaa shalay loo doortay Madaxweyne ku xigeenka Jubballand Gen. C/laahi Shiikh. Ismaiil Fartaag  isagoo isla shalay la dhaariyey, madaxweyne ku xigeenka Gen Fartaag ayaa markii la doortay waxaa uu la hadlay saxaafada waxaan uu sheegay in doorashadii  ka dhacday magaalada Kismaayo ee madaxweyne loogu doortay Maamul Gobolleedka Jubba Land Axmed Maxed islaan in ay u dhacday si xalaal ah.

Madaxweyne ku xigeenka Jubballand Gen. C/laahi Sh. Ismaiil Fartaag oo wax laga wiidiiyey in ay jirtay musuqmaasuq iyo in doorashada lagu shubtay ayaa waxaa uu ku tilmaamay been abuur isagoo sheegay in musharaxiinta u taagnaa xilka Madax weynanimada Jubbaland ay joogeen goobta ayna marii danbe ay u tanasuleen Madaxweynaha xilka loo doortay ee Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe, iyagoo eegaya xaalada  amni ee ka jirta Gobollada Jubooyinka iyo Gedo.

Madaxweyne ku xigeenka Jubballand Gen. C/laahi Sh. Ismaiil Fartaag oo wax laga wiidiiyey Madaxweynayaasha kale ee looga dhawaaqay magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu sheegay in shirka ka socday Kismaayo uu socday mudo badan oo gaaraysa ilaa 5 sanno  cid walbana ay ogtahay qaabka iyo goobta ay ergooyinku ku sugnaayeen saxaafaduna ay inta uu socday shirku ay tabinayeen.

Ugu danbayntii ayaa  Madaxweyne ku xigeenka Jubballand Gen. Fartaag waxaa uu soo dhoweeyay xilka loo doortay ee  isagoo baaq u diray shacabka Jubooyinka uguna baaqay isku duubni iyo in ay taageeraan maamulka cusub kana shaqeeyaan nabad gelyada.

Cabdi Yare
Halgan.net

 

 

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online