Maxkamad ku taalla gobolka Minnesota ee dalkan Mareykanka oo Soomaali xukun ku riday

May 17, 2013 - Written by Editor

dumarMinnesota:-Maxkamad ku taalla gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, ayaa waxaa ay qaaday dacwooyinka kala duwan oo loo heystay dad soomaali ah oo lagu eedeeyey in ay xiriir la leeyihiin Ururka Al-shabaab.

Maalintii shalay ayaa Maxkamad ku taalla gobolka Minnesota ee dalkan Mareykanka waxay xukun ku riday laba gabdhood oo Soomaali ah oo la kala yiraahdo  Aamina Faarah Cali, oo 36 jir ah iyo Xaawo Maxamed Xasan, oo 66 jir ah

Aamina Faarah Cali ayaa lagu xukumay 20 sano oo xarig ah waxaana ay Maxkamada ay ku eedeysay 13 danbi waxaana ugu weynaa in ay lacag u dirtay Ururka Al-Shabaab balse lacagta ay aamina dirtay ayaa waxay u dirtay Agoon sida ay horey uga cadeysay warbaahinta.

Xaawo Maxamed Xasan ayaa iyadana waxaa lagu xukumay 10 sanadood oo xarig ah waxaana ay Maxkamada ku soo oogtay Xaawo hal dacwo oo argagixisanimo ah iyo laba dacwo oo ah inay been u sheegtay  FBI.

Xaalada Soomaalida ku nool dalka Mareykanka gaar ahaan gobolka Minnesota  ayaa waxaa soo wajahay cabsi waxaana ay dadweynaha Soomaaliyeed is weydiinayaan wax dad kala duwan oo aan isku danbi ahayn hal wadana ka soo jeeda hal mar Maxkamad loo wada saaray

Dhanka Warbaahinta Mareykanka ayaa aad u buunbuunisay Maxkamada la saaray Soomaalida iyo xukunka lagu ridayba .Qareenada u dooday Soomaalida la xukumay ayaa racfaan ka qaadan doona xukunka .

C/fitaax Sheekh Ahmed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online