Mu’asasada Safa oo Nadwdo ugu qabatay Muqdisho Odayaasha Dhaqanka (Masawiro)

May 17, 2013 - Written by Editor

DSC01632Muqdisho:-Shalay oo taariikhdu ahayd 7/Rajab/1434H kuna beegneyd 16 / May / 2013M ayaa  Mu’asasada Safa waxay nadwo si heer sare ah loo soo agaasimey ku qabatay Hoteelka Naasa-Hablood ee Magaalada Muqdisho, Cinwaanka Nadwaduna wuxuu ahaa دور شيوخ العشائر في توعية الشعب عن مساوئ القبلية Kaalinta Odyaasha Dhaqanka ku leeyihiin ka wacyi gelinta Shacabka xumaanta Qabyaalada.

Nadwadan waxaa loo qabtey kana soo qeyb galey qeyb ka mida Odayaasha Dhaqanka ee Soomaaliyeed.
Waxaa duruus ka jeediyey Nadwada Culimo ay ka mid ahaayeen .
1-Sh. Axmed Xasan Barre.
2-Sh.Max’uud Axmed (Abuu-Sheyba). oo kala jeediyey labo Muxaadaro oo kala ahaa القبلية وآثارها السيئة في المجتمع iyo دور شيوخ العشائر في توعية الشعب عن مساوئ القبلية.

Culimadu si faahfaahsan ayey uga hadleen xumaanta qabyaalada  iyo saameynta Bulashada ay ku dhexleedahay  iyo guud ahaan dhibaatada xoogan ee Shacabka Soomaaliyeed kala soo gudboonaatey.

no images were found

Si gaara Culimadu, waxay uga hadleen dhibta ay qabyaalada u geysatay qabylaadu iyo saameynta weyn ay bulshada dhexdeeda ku yeelatay qabyaalada iyada oo noqotay wado ay adeegsadaan cadowga Soomaaliyeed.

Culumada ayaa  Odayaasha Dhaqanka waxay u iftiimiyey dhibaatooyinka kale duwan ee Qabylaadu leedahey xalintooda kaalin weyn iney ku leeyihiin, xil gaarana uu ka saaran yahay xalinta arimahaas iyo sidii ay uga talin lahaayeen aayaha danbe ee Shacabka Soomaaliyeed.

Inta kadib qaar ka mida Odayaashada Dhaqanka ayaa goobta ka hadley, ugu horeynya waxey u mahad celiyeen Mu’asasada Safa oo laheyn abaabulka iyo qabashada Nadwada iyo sidoo kale Culimadii goobta Muxaadaraadka ka jeediyey.

Sidoo kale dhankooda waxey tilmaamay in Qabyaaladu kaw ka tahay waxyaabaha dhibaatada iyo aafada ku riday Umada Soomaaliyeed waxayna balan qaadeen inay ku dadaali doonaan ka hortagida ku dhaqanka Qabyaalada ayna si hagar la’aan ah uga shaqeyn doonaan baabi’inta cudurkaas aafeeyey Umada Soomaaliyeed.

Odayaashu waxey codsadeen in Nadwooyin iyo Muxaadaraad kuwan la mida loo qabto xiliyo kale, si ay uga faa’iideystaan, waxey sidoo kale sheegeen waayadan danbe Siyaadado iyo Barnaamij kale iney ku Mashquuleen ooyna helin hadda ka hor cid waano iyo Barnaamij Diiniya kala hadasha.

Ugu danbeytii Nadwada oo si wanaagsan ku dhamaadey, waxay qeyb ka tahey dowrka Dacwo ee Mu’asasada Safa ku leedahey Bulshada Dhexdeeda,  iyo sidii loo horumarin lahaa dacwada iska dhexgalka, is fahamka iyo xalinta mashaakilka bulshada dhexdooda ah .

Mu’asasada Safa
Muqdisho
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online