Muqdisho oo lagu xusay 50 Guuradii ka soo wareegtay Midowga Africa

May 23, 2013 - Written by Editor

2013_04_23_AU_50th_Anniversary_GMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta ka qeybgalay xaflad lagu xusayey 50 guurada Midowga Afrika. Xafladan ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeybgalay Safiirka Midowga Afrika, Safiirka Djibouti u fadhiya Soomaliya oo isla markaana ah Madaxa safiirada Muqdisho, Safiirka UK iyo Safiirka EU iyo Diblomaasiyiin kale. Waxaa sidoo kale ka qeybgalay Guddoomiyaha Gobolka Banadir.

Madaxweynaha oo khudbad dheer ka jeediyey ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka mid aheyd Aasaasayaashii oo Madaxweyne Aden Abdulle Osman (Aden Adde) uu ka mid ahaa. Madaxweynahu waxuu sheegay inay ahmiyad gaar ah u leedahay Soomaaliya dabaaldagga 50 guurada oo uu sheegay in maanta Soomaaliya ay mareyso marxalad ka duwan markii la aasaasayey ururka Midowga Afrika sanadkii 1963dii.

Madaxweynahu waxuu yiri ” 1974tii Soomaaliya waxey marti gelisay shirkii Midowga Afrika oo loo dhisay African Village, ha yeeshee buu yiri 2011kii ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalida waxey African Village dib uga xorreeyeen kooxo argagaxiso ah.”

Madaxweynahu waxuu sheegay inuu ka qeybgalayo dabaaldegga 50 guurada oo ka dhacaya Addis Ababa isla markaana uu u sheegayo madaxda Africa in loo baahanyahay in qiimeyn lagu sameeyo 50kii sano ee la soo dhaafay, ha yeeshee buu yiri ” Waxaa loo baahanyahay in madaxda Afrika ay maanta dejiyaan qorsheyaashii 50ka sano ee socda si loo gaarsiiyo Qaaradda Afrika heer sare.”

no images were found

Madaxweynaha ayaa sheegay in kaalmada Afrika ay u geysatay sidii loo soo celin lahaa karaamadii iyo sharaftii Soomaalida la xusi doono oo aan la illaawi doonin, isla markaana uu Madaxweynahu kula dardaarmi doono madaxda Afrika in loo baahanyahay in shacabka Afrika loo helo mashaariicyo iyo horumar gaarsiin kara horumar baaxad leh.

Wixii faah-faahin ah kala soo xiriir:

Malik Abdalla,Agaasimaha Warfaafinta

Villa, Somalia, Muqdisho,

media@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online