Puntland oo ka digtey isqabqabsi siyaasadeed DFS (Warsaxaafadeed)

May 12, 2013 - Written by Editor

puntlandGaroowe:-Dowladda Puntland ayaa si weyn uga digaysa soo cusboonaysiinta isqabqabsiga siyaasadeed ee Hey’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya,

waxaana jira koox Xildhibaano ah oo wadda mooshin ka soo horjeeda Rai’sul Wasaaraha Federaalka oo xilliga uu magacaaban yahay dhan yahay muddo 7-bilood ah, Dr. Cabdi Farax Shirdon (Saacid).

Iskudaygaan ayaa dhuminaya wakhti, dhaqaale, iyo dadaalkii wadajirka ahaa ee Soomaalida iyo Beesha Caalamka ay geliyeen in la dhiso Hey’daha cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xilligii Dowladdii Federaalka ee KMG ahayd waxaa hareereeyey isqabqabsi siyaasadeed oo curyaamiyey awoodii Dowladdu ay ku fulin lahayd

waajibaadkeedii, ayna u gaarsiin lahayd adeegga bulshada muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Dowladda Puntland ayaa aaminsan in dano gaar ahaaneed oo ku wajahan helida xafiis siyaaseed ay ka dambayso tallaabadan, waxayna Puntland ugu baaqaysaa Hey’adaha Federaalka Soomaaliya inay ku mashquulaan hirgelinta howlaha Qaran, sida maaraynta caqabadaha dhaqaale oo dalka gudahiisa ka jira, xal u helida faragelintii lagu sameeyey Dastuurka Federaalka, ka shaqaynta amniga, iyo taageeridda dhisida Maamullada

Federaaliga ah ee dhiman.

— DHAMAAD —

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online