Puntlland oo eedeysay Madaxweynihii hore ee Puntlland Gen Cadde Muuse [War-saxaafadeed]

May 29, 2013 - Written by Editor

caydiidGaroowe:-Dowllad Puntland ayaa eedeyn kulul u soo jeedisay Madaxweynihii hore ee Puntland Gen.Cade Muuse Xirsi Boqor waxayna ku eedeysay in uu qalaale siyasadeed iyo nabadgelyo xumo ka wado deegaanada Puntland warmurtiyeedka ka soo baxay maanta Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa warbaahinta u akhriyey Wasiirka warfaafinta Puntland EN. Maxamuud Caydiid .

Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid ayaa ku eedeeyey Madaxweynihii hore ee Puntland Gen. Cadde Muuse Xirsi in uu masuul ka yahay qabsashadii magaalada Laascaanood ee xarunta  gobalka Sool iyo dagaaladii ka dhacay deegaanka Mijiyahan kaas oo sababay in kooxo ka tirsan Al-Shabaab ay galaan Buuraleyda Golis.

Warsaxaafadeedka dowlada Puntland ayaa waxaa kale oo ay ku eedeysay Gen.Cadde Muuse Xirsi in uu wado gadood ciidan iyo jidgooyo dhawaan ka dhacay meelo ka mid ah gobollada Bari iyo Karkaar waxayna dowllada Puntland ugu baaqaday Gen.Cadde Muuse in uu ka joogo amni xumada uu ka wado Puntland waxayna masuuliyada iyo cawaaqib xumada ka dhalata arrimahaas uu dusha u ridan doono Gen.Cadde Muuse iyo siyaasiyiinta la fikirka ah.

Dowllada Puntland ayaa sidoo kale ku eedeysay Gen.Cadde Muuse Xirsi in uu xagal daacinayo Maamul Gobolleedka JubbaLand ee dhawaan laga dhisay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubadda Hoose waxaana madaxweyne loogu doortay Axmed Maxamed Islaan Ahmed Madoobe.

Ilaa hadda weli kama hadal  Eedeynta ay Puntlland u jeedisay Madaxweynahii hore ee Puntlland Gen Cadde Muuse Hirsi xili uu Gen Cadde Muuse uu ku sugan yahay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar oo ay hadda ka socdaan shirar ay maalmihii u danbeeyey ay yeelanayaan odayaasha dhaqanka.

M_M Deeq
Halgan.net

 

 

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online