Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay isgoyska ‘KM 4’ ee magaalada Muqdisho(Masawiro)
May 5, 2013 - Written by Editor
Muqdisho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax is miidaamin ah uu ka dhacay isgoyska ‘KM 4’ ee magaalada Muqdisho waxaana qaraxa ku dhintay dad rayid ah oo la socday gaari Bl ah iyo kuwo wadada marayey.
Qarax ayaa waxaa la doonayey in lagu khaarajiyo wasiirka arimaha gudaha ee DFS Cabdikariin Xuseen Guuleed, balse wasiirka xilligaas ma uusan la socon gawaarida la weeraray.
Wararka aan ka helayno magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in gawaarida weerarka lagu qaaday ay la socdeen wafdi ka socday dowlada Qadar kuwaas oo ku sii jeeday garoonka Diyaaradaha ee Aden Cadde.[nggallery id=503]
Taliyaha qeybta bartamaha ee ciidanka Booliska DFS Gen.Garaad Nuur Cabdulle ayaa la hadlay saxaafada waxaana uu sheegay in qarax ay ilaa haatan ku dhinteen 5qof oo ay ku jirto hooyo iyo wiil ay dhashay oo wadada marayey
Wararka ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dhimashu ay sii mareyso 11 qof waxaana dhaawaca uu marayaa ilaa 20 qof.
A/Cawale
Halgan.net
Masawirada Radio Risaala.net

.gif)

