Qarax lala beegsaday Ciidamada Itoobiyaan ee ku sugan magaalada Baladweyne

May 25, 2013 - Written by Editor

baladweyneBaladweyne:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegay in Qarax miino lagu weeraray ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Baladweyne waxaana qaraxa ka dhashay khasaaro kala duwan.

Warar hordhac ah oo heshay Halgan.net ayaa sheegaya in Laba askari oo ka mid ah ciidanka Itoobiya ay ku dhaawacmeen qarax miino oo maanta ka dhacay isgoyska Irid-Aamin ee magaalada Baladweyne.

Weerarka lagu qaaday ciidamada Itoobiya oo marayey isgoyska Irid-Aamin  ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyey Taliyaha saldhigga booliska Baladweyne G/ dhexe Cali Dhuux Cabdi Mahad wuxuuna sheegay in qarax lagu weeraray ciidamada Itoobiya iyaga oo biyo ka dhaansanaya  isgoyska Irid-Aamin.

Qaraxa ka dib ayaa ciidamada Itoobiya iyo kuwa DFS waxay howlgalo ka sameeyeen isgoyska Irid-Aamin waxayna gacanta ku dhigeen ilaa 4 qof iyaga oo u kaxeystay Saldhiga Booliska ee magaalada Baladweyne.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online