Raabidadda Ardayda Soomaaliyeed ee Sudan oo Dowro diini ah qabatay

May 19, 2013 - Written by Editor

DSC07076Waxaa maalintii jimcaha 17/5/2013 lagu soo gabagabeeyay Jaamacadda Afriqiya dawro dacwadeed oo loo qabtay gabdhaha wax ka barta Jaamacaddaha Sudan, dawradaan oo ay soo abaabushay raabidadda ardayda Soomaaliyeed ee caalamiga ah, intii u dhexeysay 13-17 bisha May, dawradaan ayaa waxaa ka soo qayb galay gabdho gaaraya ilaa 82 gaba dhood, oo wax ka barta jaamacaddaha kala duwan ee Sudan. Dawradaan ayaa waxay ka mid tahay acmaasha iyo nashaadaadka kala duwan ee ay raabidadu u qabato ardayda sooomaaliyeed ee waxkabarata dalka Sudan ,kuwaas oo looga gol leeyahay kor uqaadida wacyigalinta ardayda.Hadaba kulankii xaflada ayaa waxaa u wax ka xusay gudoomiyaha raabidadu Aadan xaaji muxumed ujeedada ay u qabteen dawradaan oo ku tilmaamay:

no images were found

1) kor uqaadida wacyigalinta gabdhaha soomaaliyeed ee wax ka barta Sudan.
2) ku baraarujinta gabdhaha ahmiyada ay leedahay dacwada in laga shaqeeyo.

3) in looga digo afkaaraha qaloocan ee kusoo biiray baryahan danbe saaxada soomaalida ee ugu horeyso ku xadgudubka diinta.
4)in lagu baraarujiyo kaalinta wayn ay gabadha waxbartay  ku leedahay bulshada islaaxinteeda , waa markay nafteeda hagaajiso.
Dawradan oo ilaa 5 cisho ku dhawaad socotay ayaa waxaa ka qayb qaatay culimo waawayn oo soomaliyeed oo ku sugan Sudan oo ay ka mid ahaayeen.

1)  Sheikh aadan axmed  ibraahim ( kanada) oo ka mid ah culimad Kenya.
2)  Sh jaamac faarax c/lahi

3)   Sh dr c/fataax barkhadle

4)   Sh cali maxamud tawane

5)    Sh c/lahi ugaas

Dawradan ayaa waxa ardaydu ku qaateen intay ku dhex jireen mawaadiic muhiima oo ay ugu horeeyaan:

1)    Waxyaabaha lagu halaagsamo samanka fitnada.

2)    Qaar kamida taariikhnololeedka gabdhaha saalixaaatka.

3)    Cibaadaadaka raadadkeeda wanaagsan, iyo dhibaatooyinka ay leedahay macaasidu.

4)    Sida loo maamulo wakhtiga, loona smaysto qorshe nolosha .

5)    Kaalinta ay gabadha waxbaratay ay ku leedahay dacwada ilaahay.

6)    Sida loo hagaajiyo mujtamaca.

ومن هذه المواضيع:

1)    المهلكات في زمن المتغيرات

2)    عيشي بمسؤؤولية

3)    صور مشرقة من حياة الصالحات

4)    يا أختاة اقنتي لربك

5) دور المرأة المتعلمة في الدعوة إلى الله

6)     ضع بصمتك في إصلاح المجتمع

Dawradaan ayaa sidoo kale waxaa lasocday anshido ay ka mid ahayd:

1)    Tartano (musaabaqooyin)

2)    Dood cilmiyeed ku saaabsanaa kaalinta ardayda soomaaliyeed ku leedahay wanaajinta mujtameeceeda.

3)    Suaalo iyo jawaais dhex socday duruusta.

Ugu danbayntiii waxa shahaadooyin lagu doonsiiyay ardaydii dhamaysatay dawrooyinka, sidoo kale waxa shahaadooyin sharaf la gudoonsiiyay macalimiintii wax ka dhigaysay dawrada.Waxaana halkaa lagu maamuusay labadii kooxood ee ku guulaystay tartanka kaalmaha koowaad iyo labaad.
Maktabka iclaamka raabidada
Sudan,Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online