Ra’iisul Wasaaraha DFS oo ka tacsiyeeyay dhaleeceeyayna qaraxii maanta (Warsaxaafadeed)

May 5, 2013 - Written by Editor

R_Wasaare_SaacidMuqdisho:-Ra’iisul Wasaaraxa Xukuumada Fedaraaliga ah ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa tacsi tiiraanyo leh u direy eheladii iyo qaraabadii muwaadiniintii lagu gumaaday qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho, asagoo dhaleeceeyay falkaasna ku tilmamay mid arxan daro ah.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa eheladii iyo qaraabadii muwadiinta Soomaaliyeed ee lagu xasuuqay bartamaha Muqdisho maanta. Falkaas argagixiso wuxuu ahaa mid banii’aadamnimada ka baxsan oo ay gaysteen kuwo arxan daran oo ka soo horjeeda nolosha iyo horumarka ummada Soomaaliyeed,” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in falkan ismiidaamintaa ee lala beegsaday gaariga Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka oo waday wafdi ka socday wadanka Qatar uusan hakin doonin habsami u socodka hawlaha dawladda iyo isku socodka dadweynaha Muqdisho.

“Anoo aad uga murugaysan dhibka loo gaystay dadka rayidka ah waxaan ummadda u xaqiijinayaa in falkaas argagixiso uusan hakin doonin shaqadii aan u haynay dadkeena iyo dalkeena. Waxaana shacab weynaha u sheegayaa inaan u taaganahay difaacooda xili kasta aana xoojinayno amniga guud ahaan,” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaraha oo reer Muqdisho ugu baaqay inay hawlahooda wataa si buuxdana ula shaqeeyaan ciidamada amniga ee dadaalka ugu jira sugida amaanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa muujiyay inuusan jirin dambi ummada Soomaaliyeed laga galo oo ka weyn gumaadka lagu hayo dadka rayidka ah ee aysan jirin wax ay galabsadeen iyo cid ay dambi ka galeen.

“Majirto cid ay dambi ka galeen dadka maanta lagu xasuuqay Muqdisho ee ay ka midka aheeyeen hooyada iyo ilmaha ay xanbaarsanayd. Xaqiiqo ahaan waa arrin murogo leh ayna tahay inaan dhamaanteen meel uga soo wada jeesano cida gaysatay ee lahubo inay kuwo kale sii abaabulayaan,” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu.

Weerarkan is miidaaminta ah ayaa waxaa maanta ku dhintay 6 qof oo uu ku jiro shaqsigii gaystay weeraka, halka ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 25 qof oo kale. Weerarkan ayaa lala beegsaday wafdi ka socda wadanka Qadar oo maalmahaan joogay magaalada Muqodisho ayagoo maraya wadada Maka Al-mukarama gaar ahaan KM 4.

DHAMAAD

Ahmed Adan
Madaxa Warbaahinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Muqdisho, Somalia

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online