Ra’iisul Wasaaraha DFS oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda urur goboleedka IGAD

May 17, 2013 - Written by Editor

IMG_8738Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), xubno ka tirsan golihiisa wasiirada, saraakiil sare oo ka tirsan xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay wafti ka socda urur goboleedka IGAD oo labadii maalmood ee ugu danbeeyey booqasho ku joogay magaalada Muqdisho.

Waftigaan imaatinkiisa Soomaaliya waxa lagu go’aamiyey shirkii madaxda wadamada ku bahoobay IGAD ay ku yeesheen 3-dii Maajo magaalada Addis-Ababa, waxaana u jeedka waftigaan uu yahay sidii ay war bixin uga diyaarin lahaayeen arrimaha gobolada Jubooyinka.

Ugu horayntii Eng. Maxbuubu Macalim oo ah xoogyaha guud ee urur goboleedka IGAD oo waftiga hogaaminaya ayaa ka war bixiyey u jeedka socdaalkooda ay ku yimaadeen magaalda Muqdisho.

“Sidaan la socono Soomaaliya waxay xubin muhiim ah ka tahay IGAD, waxaana loo asaasay ururkan arrimaha horumarka dalalka ku bahobay dalada IGAD, imaatinkayguna wuxuu jawaab u yahay dalabkii madaxweynayaasha IGAD ee shirkoodii aan caadiga ahayn ee ay ku yeesheen magaalda Adis-Ababa horaanta bishaan. Ilaa iyo intii aan soo gaarnay Muqdisho waxaan kulamo la yeelanay bulshada qaybaheeda kala duwan, waxaase muhiimad gaar ah noo leh kulankaan aan la qaadanayno Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda FS” ayuu yiri Eng, Maxbuub

dhanka kale Wasiirka Warfaafinta oo qayb ka ahaa kulankii maanta ayaa sheegay in ay dowladu u gudbisay gudiga ka socda wadamada IGAD mowqifkeeda ku aadan xasilinta dalka iyo maamul u samaynta gobolada, dowladuna ku salaynayso qorshaheeda war murtiyeedkii ka soo baxay shirkii 21-aad ee ay isugu yimimaadeen madaxweynayaasha urur gobleedka IGAD oo ka dhacay magaalada Adis-Abab 3-da May.

Ugu danbayntii shirkaan ayaa waxaa ku soo dhamaaday jawi wanaagsan iyadoo xubnaha ka socday ururka IGAD ay sheegeen inay markasta diyaar u yihiin inay tixgalinayaa dastuurka dalka ayna ilaalinayaan midnimada Soomaaliya.

DHAMAAD

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online