Ra’iisul Wasaaraha oo kulan la yeeshay safiirka Soomaaliya u qaabilsan Midowga Africa

May 22, 2013 - Written by Editor

Annadif-iyo-ShirdoonMuqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa saaka xafiis kiisa ku qaabilay wafti uu hogaaminayo wakiilka midowga Africa ee Soomaaliya Amb. Maxamed Saalax Anaadif iyo xubno ka tirsan saraakiisha sar sare ee AMISOM.

Kulanka Ra’iisul Wasaaruhu la yeeshay wakiilka ayaa waxaa diirada lagu saarayey arrimaha amniga iyo horumarada ay ka samee yeen ciidanka Amisom iyo kuwa dowladda dagaalka ay kula jiraan kooxda xag-jirka ah ee Al-shabaab. Markii uu soo idlaaday kulanku waxaa saxafada si wada jir ah ula hadlay Ra’iisul Wasaaraha iyo wakiil Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya.

“Soomaaliya waxay xubin muhiim ah ka tahay midowga Africa oo maalmo ka dib u dabaal dagaya 50 guuradii ka soo wareegtay markii dhidibada loo asaasay midowga Africa, Soomaaliya waxay hormuud ka ahayd wadamadii asaasay Midowga Africa. Waxaan leeyahay hambalyo waxaan ururka ka rajaynayaa inuu sii xoojiyo sidii loo heli lahaa Africa oo gaarta horumar dhab ah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid oo dhanka kale xusay inuu u mahadcelinayo wadamada Africa ee ciidamadu ka joogaa Soomaaliya.

Wakiil Midoga Africa u qaabilsan Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay sida ay uga go’antahay Midowga Africa sidii uu qayb libaax uga qaadan lahaa sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya.

“Midowga Africa waxay u dabaal dagayaan 50 guuradii ka soo wareegtay asaaskii midowga Africa, waxaana muqdisho u imid inaan dadka Soomaaliya kala qayb qaato dabaal daga Ururka, waxaana muqdisho barito lagu qabanayaa xaflad balaaran” ayuu yiri wakiil midowga Africa oo dhanka kale sheegay in ay Ra’iisul Wasaaraha ka wada hadleen horumarada ay sameeyeen mudooyinkii danbe ciidanka Soomaaliya iyo kuwo AMISOM.

Magalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia waxaa 25 bishaan ku kulmaya madxweynayaasha wadamada afirca iyagoona u dabaal dagaya 50 guuradii ka soo wareegtay markii la asaasay midowga Africa, waxaana lagu wadaa in madaxweynayaasha Afirca shirkooda ay diirada ku saraan arrimaha Soomaaliya

Xafiiska Warbaahinta Ra’iisul Wasaaraha 

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online