Saraakiil ka socda Hay’adda ICRC oo gaaray magaalada Kismaayo

May 23, 2013 - Written by Editor

kismaayoKismaayo:-Waxaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose Saraakiil ka socda Hay’adda Laan qeybta Cas ee ICRC , wafdigaan ka socda Hay’adda ICRC ayaa markii ay gaareen magaalada Kismaayo waxaa ku soo dhaweeyey guddoomiye ku xigeenka maamulkii hore ee magaalada Kismaayo Yaasiin Nuur Gaas iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka.

Wafdigaan ka socday Hay’adda ICRC ayaa waxaa ay isla maanta kormeerkii ugu horeeyey ee shaqo ku gaareen Isbitaalka magaalada Kismaayo oo ay ku jiraan dad badan oo bukaan ah oo in mudo ah aan hellin gargaar dhinac dawooyinka ah.

Saraakiisha ka socday hay’adda ICRC ayaa waxaa ay Isbitaalka Kismaayo kula kulmeen agaasimaha guud ee Isbitaalka Kismaayo Dr. Cabdisamad Abuukar Xaaji isagoo uga war bixiyey xaalada guud ee Isbitaalka iyo in dadka bukaanka ah ee ku jira ay u baahan yihin gar gaar deg deg ah oo dhinac dawooyinka ah.

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online