Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) oo loo doortay Madaxweynaha Jubbaland

May 15, 2013 - Written by Editor

axmedKismaayo:-War haatan naga soo gaaray magaalad Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa sheegaya in goordhow la soo afmeeray  doorashadii madaxweynah Jubbaland. waxaana si weyn loo adkeeyey amaanka Garoonak diyaaradaha ee magaalada Kismaayo iyo dhamaan xarumaha Maamulka KMG ee magaalada Kismaayo.

Ilo wareed lagu kalsoon yahay oo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa u sheegay Halgan.net doorashada Madaxweynaha Maamulgobaleedka Jubbaland  uu si weyn ugu guuleystay Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe)

Madaxda DFS ayaa si aad ah u diidan dhismaha Maamulgobaleedka Jubbaland waxaana uu maanta magacaabay Raisulwasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon gudi ka kooban labada gole loona xilsaaray wada- xaajood ka iyo dib-u heshiisiinta  gobalada Jubbooyinka kuwaas oo gaaraya ilaa 16 xubnood.

Maamulka KMG ah ee magaalada Kismaayo iyo waxgarad iyo siyaasiyeen ka soo jeeda gobalada Jubooyinka iyo Gedo ayaa waxaa ay ku adkeysanayaan in ay xaq u leeyihiin in ay dhismtaan maamul u gaar ah dustuurkana uu u fasaxay .

Khilaafka DFS iyo Maamulka KMG ayaan la aqoon halka uu ku biyo shuban doono hadii dhidibada loo aaso maamul gobaleedka Juba Land oo maanta la doortay Madaxweynihii

Waxaa wili hawada ka maqan Isgaariinta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose maalintii labaad waxaana ay saraakiisha amaanka arinkaas ku macneeyeen sugida amaanka .

Warka oo Faahfaahsan dib baan idiinka soo gudbin doonaa inshalaah.

Cabdi Yare

Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online