Sh.Bashiir Axmed Salaad oo socdaal dacwadeed ku tegay Kampala (Masawiro)

May 17, 2013 - Written by Editor

Dadweyne dhageysanaya MuxaadaradaKampala:-Sh. Bashiir Ahmed Salaad gudoomiyaha Hay,da Culumada Soomaaliyeed ahna Amiirka Jamaacada Ictisaam Bilkitaab wasuna iyo wafdi culimo ah ayaa socdaal dacwadeed ku gaaray magaalada Kampla ee xarunta dalka Ugandha. Sheekh Bashiir Ahmed Salaad ayaa waxaa halkaas si weyn ugu soo dhaweeyey culumada iyo ducaada ku sugan magaalada Kampala waxaana uu Sheekhu muxaadaro iyo tawjiihaad u jeediyey jaaliyada Soomaaliyeed ee ku shaqan magaalada Kampala.

Masjika Al-Tawxiid ayaa waxaa si weyn u soo camiray dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Kampla iyaga oo ka faa,ideysanaya wacdiga iyo Dardaaranka culumada socdaalka dacwo ku gaaray magaalada Kampala.Muxaadardii ugu horey say ayaa waxaa ka jeediyey Masjidka Al-Tawxiid Sheekh Bashiir Ahmed Salaad  waxaana uu cinwaan uga dhigay Sheekhu muxaadaradiisa سبيل النجاة ama dhariiqa lagu badbaado aduun iyo aakhiro.

no images were found

Masjidka Al-Tawxiid ayaa waxaa si weyn u soo buuxdhaafiyey dadweyne tiro badan waxaana Sheekh Bashiir uu si weyn u qaadaa  dhigay dariiqa lagu badbaadayo isaga oo u dardaarmay jaaliyada Soomaaliyeed in ay alle ka baqaan oo qof walba uu diyaarsado camal uu ku badbaado maalinta qiyaamaha ee danbe.

Sheekh ayaa sidoo kale muxaadaro u jeediyey dumarka waxaana uu muxaadaradiisa cinwaan uga dhigay نصائح للمرأة المسلمة .
wuxuuna aad ula dardaarmay Sheekhu gabdhaha Soomaaliyeed in ay bartaan sharciga alle si ay ubadkooda u barbaariyaan.

Halgan.net ayaa idiin soo gudbin doonta muxaadaraadka Sh  Bashiir Axmed Salaad iyo culimada kale hadii ay na soo gaarto insha Allaah.

Halgan.net
Kampala

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online