Sheekh Xasan Daahir Aweys oo culumada Soomaaliyeed u Marqaati kacay (Dhageyso)

May 16, 2013 - Written by Editor

xasan_daahirBaydhabo:-Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah Ururka Al-Shabaab ayaa caawa wareysi siiyey TV Somali Channel waxaana uu daaha ka qaaday waxay in badan culumada Soomaaliyeed ka digi jireen oo ah in uu jiro Inxiraaf diineed, iyo in talada umada  lala gaar noqday , iyo dhiiga muslimiinta oo si sahlan loo daadiyo .

Waraysiga caawa uu siiyey TV ga Somali Channel, ayuu ku qiray Sh. Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah hogaamiyayaasha Sare ee ururka Al shabaab, khilaaf weyn oo soo kala dhex galay muddana ka dhex jirey ururka Al-shabaab. Inkastoo aanu afka ku dhufan, haddana wuxuu tilmaamay Sh. Xasan in taladii ururka uu marooqsaday hogaamiyaha al-shabaab Axmed Cabdi Godane, oo noqday keligii taliye, wax wada tashina aan ogolayn, taasina mid aanu yeeli karno maaha ayuu yiri Shiikh. Xasan Daahir Aweys. Halkan ka Akhriso Warsaxaafadeedka uu soo saaray Sheekh Xasan Daahir Aweys

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa waxaa uu sidoo kale ka waramay xaalada ugu danbeysay ee weerarka lagu qaaday Abu Mansuur Al-Amriki wuxuuna sheegay in la dhaawacay balse uu wili nool yahay. Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa xaqiijiyey in Abu Man suur Al-Amriki weli lagu daba jiro oo kooxo amniyaad ah oo ka amarqaata Ahmed Godane ay ku daba jiraan ayna ka digayaan in la dilo , qof muslin ahna aan loo dili karin cabasho uu jeediyey ama aragti duwanaansho.Sheekha ayaa warsaxaafadeedkiisa ku xusay in aysan jirin wax talo wadaag ah gudaha Ururka Al-Shabaab markii ay si hoos wax u sixi waayeena ay danta ku qasabtay in uu kor u dhawaaqo.

Halgan.net ayaa xiriir kala duwan la sameysay Sheekh Xasan Daahir Aweys si aan u xaqiijino war-saxaafadeedka la sheegay in uu soo saaray balse  nooma  suurto galin waxaase noo xaqiijiyey ilo wareed ku dhow Sheekh Xasan Daahir Aweys in warmurtiyeed ka uu yahay mid sax ah. Halkaan ka Dhagayso Sh Xassan oo sheegay in dilkii Sh Cabduqaadir in uu ku fooraro Al-shabaab

Warsaxaafadeedka uu soo saaray Sh. Xassan Daahir Aweys ayaa waxaa uu gaalnimo ku xukumay Dowllada Federaalka Soomaaliya wuxuuna si weyn uga soo horjeestay shirkii dhawaan ka dhacay magaalada London isaga oo ku tilmaamay mid aan waxba soo kordhin doonin .Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa sidoo kale warsaxaafadeedkiisa ku xusay in culumo ,waxgarad iyo dad badan si gaadmo ah loo dilay wuxuuna ka digay in xaalku noqdo sidii wadanka Aljeeriya.

Qeylo dhaanta Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo saaxiibadiis ayaa la wada sugayey waxaana mareegaha Al-Qaacida aad loogu faafinayey cabashooyin ka imaanayey rag madax sare ka ahaa Ururka Al-Shabaab oo dhibta ay geysteen raba in ay haatan uga siibtaan Amiirkooda Axmed Cabdi Godane.

Wararka ka imaanaya gudaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxda ururka Shabaab ee khilaafsan Taliska Axmed Cabdi Godane, ay doonayaan iney asaasaan urur cusub, hase ahaatee ma eeyan caddayn weli iney wadaddii Al-shabaab iyo Al qaacida ku sii socon doonaan, iyo in kale balse maalmaha soo socda ayaa la ogaan doonaa xaqiiqda dhabta ah.

Hoos ka Dhageyso wareysiga uu Sheekh Xasan Daahir Aweys uu siiyey Tv Somali Channel.

[audio:http://k004.kiwi6.com/hotlink/ltk1m3gp7j/waraysi_sh_xassan_daahir.mp3″] Ama Halkan MP3

TV Somali Channel

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online