Shirka London oo maanta furmaya iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan London

May 7, 2013 - Written by Editor

madaxweyne xasanLondon:-Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada London xili la filayo in maanta uu ka furmo magaalada London ee xarunta dalka Britain Shirweyne caalami ah oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya waxaana shir-guddoomin doonaan shirkan dowladaha Soomaaliya iyo Britain.

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa shalay lagu soo dhaweeyey magaalada London waxaana ku soo dhaweeeyey garoonka diyaaradaha saraakiil ka tirsan wasaarada arimaha dibada ee dalka Britain.

Shirweynaha caalami ah ee ka furmaya maanta London ayaa looga hadli doonaa  arrimaha Soomaaliya iyada oo diirada lagu saari doonaa  in laga taageero DFS arimaha  dib-u-dhisidda ciidamada gaar ahaan kuwa melatariga  , booliska, ilaalada xeebaha, nidaamka garsoorka, maareynta hantida dadweynaha iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha .

Shirka ayaa sidoo kale waxaa shaqaale loogu uruurin doonaa ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM kuwaas oo taageero melatari u fidiya DFS, waxaa kale oo shirka looga doodi doonaa howlgalka cusub ee Qaramada Midoobay UNSOM iyo arimaha qoxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalalka dariska la ah Soomaaliya sida Kenya ,Itoobiya ,Jabuuti,iyo Yemen.

Shirkan ayaa ah kii Labaad ee lagu qabto dalka  Britain gaar ahaan magaalada London waxaana qaadacay shirka in ay ka qeyb galaan Maamulka S/land iyo Puntland iyaga oo ku dooday in aanay la socon ajandaha shirka London ,waxaan sidoo kale aan shirka tagin Maamulka Galmudug .

CabdiFitaax Cali Cismaan
London

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online