Shirkii London oo la soo gabagabeeyey caawa (Warbixin)

May 7, 2013 - Written by Editor

shirLondon:-Waxaa  caawa lagu soo gabogabeeyey magaalada London shirkii looga hadlayey arrimaha Soomaaliya Shirkan ayaa waxaa wada  guddoominayey ra’isul wasaaraha Britain iyo Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana arrimihii diiradda lagu saaray ka mid ahaa, sidii loo kaalmeyn lahaa dowladda federaalka Soomaaliya.

Markii uu shirku soo dhammaaday ayaa  David Cameron iyo Xasan Shiikh MaxamuudSi wadajir ah  ula hadleen saxaafadda, waxaana ay ka warrameen wixii shirka looga hadlay iyo natiijadii ka soo baxday.

Ra’isul wasaaraha Britain, ayaa ammaanay horumarka ay ku talaabsatay dowladda federaalka Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku adkeeyey in xiligaan caalamku doonayo sidii Soomaaliya looga caawin lahaa sidii ay mar kale cagaheeda isugu taagi laheyd.

Britain ayaa shaacisey in dhaqaale Malaayiin Doolar ah ku bixin doonto dhismaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ,tababarka ciidanka ammaanka  iyo laamaha garsoorka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegey  in taageerada Beesha caalamku muhiim tahay xiligan Somalia oo isku dayeysa inay fowdo iyo burbur 20 sanno ka badan ay ka soo kabato. Siyaasada

Horumarka siyaasadeed ayaa lagu sheegey inuu yahay furaha xasiloonida Soomaalyia muqstaqbalka ,waxaana la taageerey qorshayaasha DF Somalia oo ugu horeyso balanqaadka ah inay doorasho xor ah ka dhacdo dalka 2016.

Doorashada golayaasha deegaanka ee  Puntland ka dhacaya  Bisha June ayaa  lagu sheegey warsaxaafadeedka in la taageerayo, waxaana la soo qaaday inay tahay bilowga  dimoqraadiyada Soomaaliya.

Sidoo kale Waxa la soo dhoweyey shirka dhismaha maamul goboleedyada dalka ,iyadoona gobolladana lagu dhiirigeliyey wada shaqeynta DF iyo gobollada si Somalia oo mid ah loo gaaro iyadoo la dhaqangelinayo dastuurka.

Amaanka

Dadaalada lagula dagalaamayo burcad badeeda ayaa shirku bogaadiyey ,iyadoo Puntland la soo hadal qaadey horumarka ay ka gaaray dhankaasi ,waxana la sheegey in caalamka oo kaashanaya Somalia ay ka go’antahay soo afjarida burcad badeeda.

Amaanka ayaa shirku ku tilmaamay mid shardi asaasi u ah horumarka dhinacyada kala duwan Somalia ,waxana dhaqaale 200 oo Malyan ku dhow loogu yaboohey Somalia sidii ay wax uga qaban lahayd amaanka oo qayb ka yihiin dhismaha ciidanka ,tababarka booliska iyo tayaynta xafiisyada maamulka.

Dhinacyada Dhaqaalaha, Garsoorka iyo Qixiitiga Soomaalida ayaa warmurtiyeedka la soo saaray ku jirtay, iyadoona warmueriyeedku uu aad u dheeryahay.

Shirkan, ayaa waxaan ka qeyb galin Somaliland iyo Puntland, iyadoona Somaliland ay ku doodeyso inay Soomaaliya ka madax banaan tahay, halka Puntland ay ka biyo diidday habka shirku u soconayo.

Somalireal/Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online