Tuugo ku fashilantay in ay Jabsadaan Halgan.net iyo Ip oo loo gudbiyey Hay`aadka amniga

May 4, 2013 - Written by Editor

Halgan1London:-Waxaa soo weeraray mar kale caawa Halgan.net tuugo aan dhaqan iyo xishood diina lahayn waxaana howlwadeena Halgan.net ay caawa ku guuleysteen in ay fashiliyaan weerarkaas waxaana ay heleen macluumaad waafi ah oo ku saabsan cida isku dayday in ay qabsato webka iyo dalka iyo magaalada uu ku sugan yahay iyo wilba ip adressyada ay isticmaaleen.

Howlwadeena Halgan.net ayaa qoraal u gudbiyey hay,aadka ay arinkan khuseyso iyo cida hostinga ama Internetka siisay qofka isku dayey in uu jabsado Halgan isaga oo isticmaalay usero iyo magacyo been ah oo kala duwan .

Waxaa dadka dhan ay ogyihiin in si sahlan la ogaan karo cid walba halka ay joogto ama xaafada ay degan tahay marka la helo Ip adresskiisa waxaana ceeb caawa ugu filan in macluumaadkiisa oo dhan gacanta lagu hayo  iyo in horumarka la gaaray la Baangareyn karo.

Maamulka Halgan.net

4 Comments so far

Leave a comment

  1. fadlan waxaad hesheen macluumaad faafiya oo haqarinina webka soo dhiga si ceebtoo loo wada arko. jazaamu, allah

  2. ilaahay ha idinka badbaadiyo sharka iyo dhgarta dhammaan dhagarqabayaasha
    waxaana ka codsanayna walaalaha halgan inay soo gudbiyaan dadkaas tuugta ah oo aysan waxba uqrin.

  3. HALA CADEYO TUUGA, MAGACISA IYO MESH UU DEGENYAHA, SI EY UNOQOTO CASHIR,

  4. jazaakumulaah, mamulka halgan ilahya ha fashiliyo dadka xumaha cadaystay iyo dhaqn xumada oo hadana wata magac diineed ilaahow uga gargar diintaada kuwaas iyo kuwa badan oo noocaas ah , mamulka halgan howshaad haysaan waa howl aad u dhib badan waa daco iyo kheyr ilaahau ha idin fududeeyo cadawgana ha idin ka ilaasho asalamu calaykum waraxmatulaa

Leave a comment

*