Wasiirada Arimaha dibadda ee DFS oo u ambabaxday Magaalada Addis Ababa

May 1, 2013 - Written by Editor

DSC00308Muqdisho:-Ra’’isul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirada Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Marwo Fawsiyo Yuusuf Xaaji Aadam ayaa uga qeybgaleysa Magaalada Addis Ababa shir ay ku kulansan yihiin Wasiirada arrimaha dibadda wadamada ku bahoobay urur goboleedka IGAD.

Marwo Fawsiya Yuusuf oo maanta inta aaney ka ambabixin garoonka diyaaradaha Muqdisho shir jaraa’id ku qabatay ayaa waxa ay sheegtay inay ku rajo weyntahay in guul ay ka gaarto shirkaasi oo loo balansan yahay inuu ku qabsoomo Addis Ababa 3-da bishan Mey , waxa ayna tiri “ waxaan ka qeybgalayaa shirka wasiirada arrimaha dibadda ee wadamada ku midoobay urur goboleedka IGAD  oo looga hadli doono Stabilization Plan , waa qorshe horey loo sii diyaariyay oo laga fikiray , waxaana  rajeynayaa  in dowladeyda ay guul ka gaarto ajandayaasheeda qaran ee u qorsheysan , iyadoo isla 4-ta bishan ay kulmi doonaan Madaxweynayaasha wadamada gobolka”.

Ra’’isul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Marwo Fawsiyo Yuusuf Xaaji Aadam ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku sii sagootiyay Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda oo uu ugu horeeyay Kusimaha Xoghayaha Joogtada Adv. Hersi Haji Olosow iyo diblomaasiyiin kale .

—–Dhamaaad—-
Section of Press And Public Relations (PPR)
info@mofa.gov.so

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online