Wasiirka amniga ee Puntllad Gen. Khaliif Ciise oo waraysi siiyey Idaacadda BBC-da.[Dhagayso]

May 1, 2013 - Written by Editor

khaliifBoosaaso:-Wasiirka amniga ee Puntllad Gen. Khaliif Ciise Mudan oo waraysi gaar ah siiyey Idaacadda BBC-da ee Afka Soomaaliga ayaa waxaa uu ka warbixiyey dhalinyaradii shalay lagu toogtay magaalada Boosaaso isagoo si gaar ah u xusay in Saddex ka mid ah loo haystay dilkii Sh.Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan halka inta kale uu sheegay in ay dileen dad iskugu jira  Madax iyo shacab. Wasiirka amniga ee Puntllad Gen .Khaliif Ciise Mudan ayaa xusay in dadka la dilay ay soo mareen maxkamadaha kale duwan sidda Maxkamada Darajada 1aad oo ku riday xukun dil ah ka dibna waxaa ay ka qaateen racfaan waxaan loo gudbiyey Maxkamada racfaanka  oo iyagan markii danbe ku raacay xukunkii ay riday Maxkamada Darajada 1aad oo ahaa dil.

Wasiirka amniga ee Puntllad Gen . Khaliif Ciise Mudan ayaa sheegay in dadka la dilay ay yihiin 13 qof  oo ay ku jirtay gabar wuxuuna sheegay in dhamaantood ay ka tirsanaayeen ururka Al-shabaab gaar ahaan amniyaadka dadka loo haysto in ay dileen ay gaarayaan ilaa 78 qof sida uu sheegay wasiirku.

Wasiirka amniga ee Puntlland Gen. Khaliif Ciise Mudan ayaa sidoo kale xaqiijiyey geerida  askari ka mid ahaa askartii fulinaysay dilka ka dib markii xabad uu riday askari ay dib ugu soo laabatay askari dhintay , Wasiirka ayaa waxaa uu tacsi u diray shacabka Puntlland iyo ehelada uu ka geeri yooday askariga dhintay.

Hoos ka dhagayso Waraysigii uu BBC-da  siiyey Wasiirka amniga ee Puntllad Gen. Khaliif Ciise Mudan

[audio:http://k003.kiwi6.com/hotlink/vdkpg09oyc/khaliifciise.mp3″]

M_M_Deeq
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online