Wasiiro ka tirsan DFS oo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose

May 26, 2013 - Written by Editor

KismaayoKismaayo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa sheegaya in goordhow ay gaareen halkaas wasiiro ka tirsan DFS waxaana wafdiga horkacaya Wasiirka G/dhiga ee dowlada federaalka Soomaaliya Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi.

Wafdiga ka tirsan DFS ayaa haatan ku sugan garoonka Diyaaradaha ee magaalada Kismaayo waxaana ay kulamo la leeyihiin saraakiil ka tirsan ciidanka Kenya ;wafdiga wasiirada ayaa waxaa ka mid ah wasiirka warfaafinta Cabdullaahi Ciil-mooge Xirsi, wasiirka garsoorka, Cabdullaahi Abyan Nuur .

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ku eedeeyey masuuliinta DFS in ay dhibaato ka wadaan magaalada Kismaayo wuxuuna sheegay in wixii dhib ah ee ka dhaca magaalada Kismaayo ay masuul ka tahay madaxada DFS .

Dhanka kale waxaa ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose Banaanbax lagu taageerayo Madaxweynaha J/land Ahmed Madoobe waxaa dadweynihii dhigayey banaanbax ay ugu baaqeen madaxda DFS in ay taageeraan Maamulgobaleedka J/land.

Banaanbaxa lagu taageerayo Maamul gobaleedka J/land ayaa waxaa kale uu ka dhacay Afmadow, Badhaadhe, Dhoobley, Kulbiyow iyo Diif iyo deegaano kale .

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online