Weerar xalay lagu dilay 5 Askari oo ka dhacay deegaannada Damajaale iyo Cabdi Sugow

May 26, 2013 - Written by Editor

garisaGaarisa:-Koox hubeysan oo ilaa haatan aan la aqoon heybtooda ayaa xalay weerar ku qaaday  labo saldhig  oo ku kala yaalla deegaannada Damajaale iyo Cabdi Sugow waxaana ay ku dileen weerarka 5askari oo ka tirsan ciidanka Kenya waxaana weerarka ku dhaawacmay askar kale.

Sarkaal ka tirsan ciidanka Kenya ee gobolka waqooyi-bari ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in weerarka xalay lagu dilay 5askari oo ka tirsan ciidanka Kenya iyo shaqaale ka tirsan hay’adda Laanqeyrta Cas ee Kenya waxaa kale oo uu xaqiijiyey in 3qof oo kale ay ku dhaawacmeen.

Ciidamo ka tirsan dowlada Kenya ayaa gaaray deegaannada Damajaale iyo Cabdi Sugow iyaga oo xabsiga dhigay dhowr qof qaarna u geystay jirdilxun.
Ilaa haatan ma jiraan cid si rasmi ah u sheegatay weerarka xalay ka dhacay deegaannada Damajaale iyo Cabdi Sugow.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online