Weriye Cabdiqaadir Cabdirisaaq Jiijiile oo xalay lagu dhaawacay magaalada Kismaayo

May 30, 2013 - Written by Editor

kismaayoKismaayo:Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubadda Hoose ayaa sheegaya in koox hubeysan oo aan ilaa haatan la aqoon heybtooda ay xalay ku dhaawacday magaalada Kismaayo mid ka mid ah weriyeyaasha Radio Kismaayo oo lagu magacaabo C/qaadir Cabdirisaaq  Jiijiile.

Weriye Cabdiqaadir Cabdirisaaq Jiijiile ayaa waxaa weerarka lagu dhaawacay uu dhacay xalay fiidkii xili uu ku sii jeeday gurigiisa oo ku yaal xaafadda Farjano ee magaalada Kismaayo. Dhaawaca Wariye Cabdiqaadir Jiijiile ayaa ah mid fudud waxaana dad goob jooga ay sheegeen in ciidamo ka tirsan kuwa DFS ay qabteen qof lagu tuhunsan yahay in uu qeyb ka ahaa weerarka lagu dhaawacay Wariye Cabdiqaadir Jiijiile.

Dilalka Wariyaasha Soomaaliyeed ayaa noqday tusbax furmay waxaana kooxaha geysanaya weeraradaan ay doonayaan in ay aamusiyaan wariyaasha ka howlgala gudaha Soomaaliya kuwaas oo aan lahay cid ilaalisa ama ka difaacda kooxaha ku Jihaadaya Wariyaasha.

Dhinaca kale ma jiraan ilaa haatan cid ka tirsan Maamulka JubbaLand oo ka hadlay weerarka xalay lagu dhaawacay Wariye Cabdulqaadir Jiijiile .Weeraraan ayaa ah kii koowaad ee lala beegsado wariye ka howlgala magaalada Kismaayo ilaa intii magaalada laga saaray kooxda Al-shabaab.

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online