Gudoomiyaha Baarlamaanka oo xafiiska ku qaabilay Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada Puntland Iyo Galmudug

June 29, 2013 - Written by Editor

Prof-JawaariMuqdisho:Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa maanta xafiiska ku qaabilay Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada Puntland iyo Galmudug oo maalinnimadii shalay aheyd soo gaaray magaalada Muqdisho.

Ugu horeyn Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa uga mahad celiyey Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada maamul gobolleedyada Puntland iyo Galmudug sida ay ugu soo jawaabeen marti qaadka uu Baarlamaanka Soomaaliya u sameeyey waxaana mahad celintaasi kadib uu Gudoomiyuu ka dhageystay gudoomiyeyaasha Baarlamaannada labada maamul goboleed sida ay howlahooda u socdaan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland  C/rashiid Maxamed Xirsi oo kulanka ka hadlay ayaa ka warbixiyey sida ay u socdaan shaqooyinka Baarlamaanka Puntland waxaana uu xusay in howlaha Baarlamaanka Puntland ay hada kuwo u socda si wanaagsan waxaana uu dhanka kale Mudane C/rashiid Maxamed Xirsi uu tilmaamay in ay aad ula dhacsanyihiin sida xiligan uu u shaqeynayo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamaanka maamul goboleedka Galmudug Mudane Xasan Maxamed Hey loo isaguna dhankiisa kulanka ka hadlay ayaa si lamid ah ka warbixiyey sida uu xiligan u shaqeeyo Baarlamaanka Galmudug oo uu tilmaamay iney dhowaan doorteen Madaxweynaha maamulkaasi, dhinaca kalena waxa uu soo dhaweeyey hormarrada sii
kordhaya ee uu ku talaabsanayo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Gudoomiiyeyaasha Baarlamaannada maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho waxaana ayaga oo ay wehliyaan Xildhibaanno ka kala tirsan Baarlamaannada labada maamulgoboleed ay Muqdisho ku yimaadeen casuumaad uu u fidiyey Gudoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Wafdigan caawa waxa ay casho sharaf la qaadan doonaan Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayadoo casho sharaftaasina ay kasoo qeybgali doonaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isulwasaaraha Dalka Mudane Cabdi Faarax Shirdoon
(Saacid).

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Gudoomiyaha Baarlamaanka

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online