Warbixin ku saabsan Wareysigii Abu Mansuur Al-amriki ee ay la yeelatay Idaacadda VOA.[Dhagayso]

September 6, 2013 - Written by Editor

abuDiinsoor:-Idaacadda VOA ayaa waxaa ay waraysi gaar ah oo ay la yeelatay Abuu Mansuur Al-Amriki waxaa uu u sheegay in uu ku dhuumaalaysanayo keymo ku yaal Gobolka Bay iyo Bakool ayna la socdaan dhalinyaro Soomaali ah oo tiro yar, Abuu Mansuur Al-Amriki oo ka hadlay hogaamiyaha ururka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane ayaa waxaa uu ku sheegay nin kaligii taliye ah oo ka leexday  u jeedooyinkii ay u bilaabeen Jihaadka Soomaaliya iyo Shareecadda Islaamka uuna ururka Al-shabaab uu ku dhibaateeyey  dadka Soomaaliyeed.

Abuu Mansuur Al-Amriki oo wax laga wiidiiyey qaraxyada iyo dilalka dadka shacabka lagu weeraro gaar ahaan qaraxyadii lala beegsaday ardaydii Jaamacada Banaadir iyo qaraxii lala beegsaday Hargahah iyo Saamaha oo lagu laayey arday ayaa waxaa uu sheegay in uu arrinkaas  ka soo horjeedo isaga iyo koox tiro yar  waan arrinta buu yiri uu doonayo in hogaamiyaha urruka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane uu rabo in uu ii dilo. Abu Mansuur Al-Amriki ayaa waxaa uu sheegay in dhinaciisa ay isku mid ka tahay dilka loo geysto qof muslin ah ayna u geystaan Maraykanka ama ururka Al-shabaab.

Abuu Mansuur Al-Amriki wax laga wiidiiyey hogaamiyaha Al-shabaab Axmed Cabdi Godane ayaa waxaa uu ku sheegay in uu yahay nin doonaya in uu xukumo Soomaaliya ama Bariga Afrika  oo haddii uu rabna arrinkaas u maraya in uu garab maro shareecadda Islaamka si uu u gaaro  u jeedadiisa. Abu Mansuur Al-Amriki ayaa waxaa uu ku eedeeyey Axmed Cabdi Godane in ciyaalkiisa uu ka dhigay Hooyo iyo Aabe la’aan isagoo aan eegayn danta dad kale oo waxaa uu eegayaa oo kaliya buu yiri tiisa iyo in uu hogaanka Al-shabaab uu hayo.

Sidoo kale mar wax laga wiidiiyey wax uu ka qaban karo Hogaamiyaha Al-shabaab Axmed Cabdi Godane ayaa waxaa uu sheegay in wax kaliya oo uu ka qaban qaro ay tahay in uu sheegno xumaantiisa aniga oo ka rajo qaba in dadka Soomaaliyeed ay kici doonaa iyagoo aan u dagaalamay oo kaliya shareecadda islaamka balse u dagaalamaya si ay u hirgeliyaan shareecadda Islaamka oo dhamaystiran jihaadkana loo oogo sidda Quraanka iyo Sunnada ku cad.

Mar wax laga wiidiiyey in dowladda Maraykanka iyo Dowllada federaalka Soomaaliya ay ku eedeeyeen in uu yahay Argagixiso oo uu horyimaad Maxkamada si uu isku difaaco ayaa waxaa uu ku jawaabay in uusan hadda ka mid ahayn  ururka Al-shabaab iyo Al-qaacid balse uu yahay qof argagixiso ah oo ay la xiriirinayaan al-Qaacid wax micno ahna kuma fadhido ayuu yiri in aan la hadlo dowladda Maraykanka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Abu Mansuur Al-Amriki oo wax laga wiidiiyey in uu bal ku noqonayo dalka Marykanka iyo colaada uu u qabo ayaa waxaa uuu ku jawaabay in Maraykanka loo geynayo oo kaliya Meydkiisa, Dowladda Maraykankana ay tahay dowladd ka soo horjeeda in dadka muslinka ah ay isku xukumaan shareecad Islaamka isagoo tusaale u soo qaatay in dowladda Maraykanku ay ka soo horjoogsatey in dalka Afgaanistaan iyo Ciraaq  ay shareecadda Islaamka isku xukumaan.

Abu Mansuur Al-Amriki oo wax laga wiidiiyey  lacagta ay dowladda Maraykanku  ay dul dhigtay ayaa waxa uu ku jawaabay in  uu yahay Argagixiso balse waxaa uu sheegay in Maraykanku aysan hadda danaynaynin in ay Gantaal la beegsadaan balse ay u sahlan in ay Al-shabaab siiyaan 5 Milyan oo Dollar ayna u sheegaan in ay i bartilmaamaystaan, Xaasas keyga xiraan , Caruurtayda ay dhigaan hooyo iyo Aabe la’aan marka waxaa ay ila tahay in ficilka Al-shabaab iyo Maraykanka uu xiriir ka dhexeeyo.

Abu Mansuur Al-Amriki ayaa sheegay mar kale in uusan ka mid ahayn ururka Al-shabaab iyo Al-qaacid balse uu yahay qof muslin ah oo ka mid ah beesha Raxanweyn  isagoo ah qof muslin ah oo wax koox ah aan ka tirsanayn.Mar la weydiiyey xiriirka ka dhexeeya  Abu Mansuur Al-Amriki  iyo Roobow ayaa waxaa uu sheegay in Mukhtaar Roobow Abu Mansuur uu ku dhuumaaley sano Keymaha  ku yaal Gobolka Bay  iyo Bakool isaga oo ka baqaya weerar uga yimaada ururka Al-Shabaab.

Abu Mansuur Al-Amriki ayaa sidoo kale sheegay in Mukhtaar Roobow uu ka soo horjeedo dilka dadka rayidka ah iyo waxyaabaha kale oo ay Al-Shabaab ku dhaqaaqday  aan waafaqsaneyn Shareecada Islaamka. Al-Amriki ayaa sheegay in uusan wax xiriir ah la sameyn baryahaan Mukhtaar Roobow Abu Mansuur isaga oo ka baqaya in Al-Shabaab dhageysto Telfankiisa !

Abu Mansuur Al-Amriki ayaa waxaa la weydiiyey in talada dalka uu u daayo Soomaalida waxaana uu sheegay in dalka uu yimid wakhtigii Midowga maxaakimta Islaamiga uuna ilaa waagaas ku shaqeynayey rabitaanka Soomaalida !

Dhageyso Barnaamika Gaar ah

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online