Daacish dadkii ma wada ogaaday? W/Q Sheekh Xasan Ibraahim Abu Xasaan

January 10, 2014 - Written by Editor

Maqaal-300x158Dowladda islaamiga ah ee ciraaq iyo shaam ama ( daacish) waa koox uu hoggaamiyo nin qarsoon oo la yidhaahdo Baqdaadi,oo ka dagaallanta ciraaq iyo suuriya,sida daahirka ah waxaa la moodaa inay la dagaallamayaan nidaamka maaliki ee ciraaq iyo xulafadiisa mareykanka marka ay ciraaq joogaan, marka ay shaam joogaanna waxaa la moodaa inay la dagaallamayaan nidaamka asad.

kooxdan markii xaqiiqadeeda hoos loo ogaado waxaa soo baxeysa inay aheyd kooxdii sababka u aheyd in mareykanku ciraaq si fiican u hanto ka dib markii ay kooxihii muqaawamada mareykanka kula jiray dhabarka ka wada toogteen dadkiina ay ku dheheen ninkii aan annaga na soo raacin waxaa u furan inuu hubka dhigo inuu waddanka ka dhoofo iyo inaan weerar galinno.

waxay ciraaq horay ugu soo gumaadeen raggii mareykanka halkaas ku jabiyay ee u diiday inuu nabad ku lado,haddana sheekadoodii horay loo soo nacay ayey mar kale suuriya dib uga billaabeen,markii ay arkeen in kacdoonkii shacabka suuriya meel maray dhul badanna nidaamkii asad laga xoreeyay ayey isku soo maqiiqeen, waxay is qariyaanba markii ay is dheheen awood baad yeelateen ayey billaabeen inay mujaahidiintii ciidamada asad jabiyay dhabarka ka toogtaan,waxayna billaabeen inay dhulkii la xoreeyay dib baan u xoreyneynaa dhahaan.

waxay si fool xun u dileen rag badan oo qiimo leh uu ugu danbeeyay Dr. xuseen al suleymaan,waxay la soo bexeen xaajadoodii xumeyd waxayna ku dhawaaqeen inay shacabka iyo mujaahidiintaba isla gaaleysiiyaan,cadowgiina waxay u noqdeen maaddo uu u baahnaa gaal iyo gaalo raacna waxay meel walba mariyeen meesha kacdoon shacabba kama jiro ee koox qaacido raacsan ayaa qabsatay, shirka janiva2 ee maalmahan la hadal hayeyna waxaaba la sheegayaa in waxa ugu muhiimsan ee lagaga hadlayo uu yahay argagixiso!.

dhaqan xumadaas daacish in badan baa looga digay culimo iyo caamana waa loo caqli celiyay hase yeeshee rabbi ma solansiinin,koley ku tahay dawaahiri ayaa u soo jeediyay inay arrimaha suuriya faraha kala baxaan oo ay ciraaq ku ekaadaan waxayse kaga jawaabeen in ay laftigiisaba gaaleysiiyaan!.

kor iyo hoosba waa loogu dhigay waxaase soo baxday wax aan aheyn hub loo isticmaalo ineyna xal ku laheyn,jimcihii dhowaa ayaa kooxihii kacdoonka oo dhami hal mowqif ka wada qaateen weerar ay u dhanyihiinna ku qaadeen,waxaana soo baxay fataawo ay soo saareen culimada xalab iyo bayaanno ka soo kala baxay jabhadda islaamiga ah oo ay ku mideysanyihiin inta badan kooxaha kacdoonkuو ciidanka mujaahidiinta جيش المجاهدين,iyo ciidanka xorta ah dhammaantoodna waxay daacish ugu baaqeen inay dulmiga joojiso dadka xubnaha ka ahna waxay ugu baaqeen inay kooxaha kale ee islaamiga ah ku kala biiraan,daacishna waxay qaarkood ku tuhmeen in nidaamka asad sameeyay shaqada ay hayaanna tahay inay kacdoonka fashiliyaan.

dhulal badan ayaa laga qabsaday goobo badanna waxay iskaga bexeen waxayna ku gooddiyeen inay wada cidleyn doonaan furimaha ay ku iraan haddii aan weerarka laga deynin,waxaase mashaqo ah markii ay taagdaranyihiinna way calaacalayaan amrkii ay tabareystaanna laynta mujaahidiinta iyo shacabka awalba dulmanayaa ayey horay ka billaabayaan.

aad baan uga xumahay dhiigga xurmada leh ee daadanaya iyo cadowga umadda ee laga farxinayo waxaanse hubaa inaan kooxdaas loo heleynin xal aan aheyn in dulmigooda la iska difaaco. waxaana filayaa inay gaadheen xilligii ay aayaha dulmigoodii daaya laga waayay daaqi lahaayeen.

W/Q Sheekh Xasan Ibraahim Abu Xasaan

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online