Iftiinka Odense Ilaahow ilaali W/Q: Sh.C/llaahi Sh. Xanbali Xaaji C/Suldaan.

January 9, 2014 - Written by Editor

Maqaal-300x158Hordhac:-Degmada Odense: Waa caasimada seddexaad ee wadanka Denmark oo ku taala Waqooyiga qaaradda Yurub. Odense waxaa ku nool dad lagu qiyaaso 180.000, oo qof. Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool degmadaas waxaa lagu sheegaa dad gaadhaya 1.800, oo qof. Soomaalida reer Odense, waxay caan ku yihiin, tilmaamo ay aad u baadi goobaan dhigooda ku kala baahan san dunida dacaladeeda.

Kuwaasoo laga xusi karo: Midnimada, talo wadaagga, is-qadarinta iyo karti sareysa intaba.Waxaa suurta gal ah inaad is weydiiso akhristoow: Arintaas inay ka muuqato xoogaa ammaan iyo ka badbadin ah, adigoo ka duulaya, in sidii ay Soomaalidu u bur-burtay aan la maqal tibaaxid iyo tilmaamahaas tayada leh.

Anigoo tixgalinaya taada, ayaan haddana rabaa inaan ku celiyo mar labaad “Rumayso ama ha rumaysanin”, laakiin reer Odense waa raasas wanaagsan, ee tolow maxaa sababay arintaas ? Horta waxaa jira odhaah caan ka ah Odense, taasoo ah “Wuxuu rag u kacay Rabbina aqbalay way rumoobaan”.

Odense waxaa ku wada nool, qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, weyna ka jiraan, dhammaan wax yaabaha ka jira magaalooyinka kale ee ay soomaalidu degan tahay sida, afkaaraha iyo siyaasadaha kala duwan, laakiin Odense wuxuu Ilaahay ku mannaystay Odayaal, ducaad, dumar iyo dhalinyaro (wiilal iyo gabdho), kuwaas oo lagu tilmaami karo, daacadnimo, karti iyo talo wadaag. Taas oo ay Odense ku mutaysatay inay hormuud u noqoto, degmooyinka kale ee Denmark, degaankana u ah bulshada Soomaaliyeed.

Waana dhab, oo bulsho walba waxaa horumarkeeda lagu qiimeeyaa hadba inta u adeegta kartidooda iyo hufnaan tooda. Akhyaartii dhidibada u aastay geedi socodka wanaaga bulshada reer Odense, intooda badan hadda kuma sugna magaalada Odense, ee waxay ku kala sugan yihiin: UK, Copenhagen, Kolding, Oslo iyo Qaaradda afrika.

Waxaa suxid gaar ah iga mudan: Sh. Xuseen Saalix Daahir, iyo Sh. C/lla Maxamed Max,uud, labada sheekh waxay kamid yihiin culimada ka soo qalinjabisay jaamacadda Madiina.Cuqaashii magaalada Odense qaar kamid ahna, waxay u safreen daarta aakhiro. (Ilaahay ha u naxariisto).

Ujeedada qormada:
Haddaan intaa uga gudbo hordhicii ila dheeraaday iyo barridii aan idin barayay magaalada Odense iyo soomaalida degen, waxaan rabaa inaan idinla wadaago, arin aan is leeyahay waa arin lagu naaloon karo, islamarkaana ku dayasho mudan.

Xilli laga joogo muddo 10 sano ah, ayay howlwadeenada maamulka reer Odense dareemeen, in magaalada laga diga roganayo oo ay Odayaashii iyo ducaadii magaalada bilaabeen inay mid mid u siibtaan, iyagoo u hayaamaya meelo kale. Waxaa filayaa inaysan arintaas diga rogashadu Odense gaar ku ahayn, ee ay ka dhacday degmooyin badan oo ku yaala qaaradda Yurub. Haddana waxay reer Odense is weydiiyeen: “oo taloow yaa sii wadi doona talada Jaaliyadda iyo mashaariicdii horay loo yagleelay.” ?

Talo wadaag, fikir iyo fiiro dheer kadib, waxaa qalinka lagu duugay (illeen war reer magaal warqad buu ku yaalaaye) in loo howlgalo sidii lagu heli lahaa, jiilkii mas’uuliyadda la wareegi lahaa. Waxaa Ilaahay fadligii hirgalay inuu Jaaliyadda dhexdeeda ka unkamo, urur ay hormuud ka yihiin dhalinyaro, ay xilligaa da’doodu u dhaxaysay 15-20 sano. Ururkaasi waxaa loogu magac daray “Horseed”.

Ururkaasi wuxuu soo maray heerar kala duwan, wuxuuna soo saaray dhalinyaro tayo leh, kuwaasoo maanta noqday ducaada magaalada. Dhalinyaradu waxay waligood wadashaqayn dhab ah la lahaayeen, si toos ahna ay uga shidaal qaataan, ducaadda iyo culimada degan Denmark, oo aan ka xusi karo: 1) Sh. Maxamuud Sh. Xassan (Abuu Dhalxa) 2) Sh. C/Raxmaan Abyad, 3) Sh. Maxamed Abdinuur (Casoowe), 4) Sh. Mahad Cilmi, 5) Sh. Mustafa A. Adan (Abuu Rowda).

Sidoo kale waxay garab iyo gaashaan ka helaan, Odayaasha magaalada, iyo hooyooyinka magaalada. Dhaliyaradii ka soo qalin jabisay Ururka “Horseed”, waxay fadliga Ilaahay maanta marayaan, in gabdho iyo wiilalba ay qabtaan mu’tamar sanadla ah,oo ay igu yaraan ka soo qayb gasho 1.000 (Kun) oo dhalinyaro ah. Kaaga darane casharada mu’tamarka lagu qaadaa dhigo, waxay dhammaantood xiriir toos ah la leeyihiin dhalinyarada iyo kaalinta ay bulshada kaga jiraan.

Mu’tamarka waxaa lagu marti qaadaa, aqoonyahano ka kala yimaada dunida dacaladeeda. Waxaana ka xusi karnaa:
1) Sh. Mustafa Xaaji Ismaaciil, 2) Dr. Cali Maxamed Saalax, 3) Sh. Bashiir Shiil, 4) Dr. Cismaan Cali Faarax, 5) Sh. Saciid Raage, 6) Sh. Ramadaan Shible, 7) Sh. Maxamed Sh. Cali Mowliid + Culimada iyo Ducaadda reer Denmark, oo iyagu inta badan isku xukuma inay kor joogto noqdaan mu,tamarka. Soomaalidu waxay tiraahdaa: Dagaal aadan ku jirin daawasho macaanaa !!, oon uga jeedo, Culimada reer Denmark wuxuu xaalkoodu noqday (lisaanul xaalkooda) Mu’tamar ay ka qayb galayaan 1,000 (Kun) qof, oo uu ardaygaadii maamuusayo, islamarkaana ay ka soo qayb galaan Halyeeyadii saaxada dacwada ee Soomaalida. Alla Mu,tamarkaasi daawasho macaanaa !!!!!.

Ugu danbayntii waxaan qormadaydan ku soo afmeerayaa, iftiinka reer Odense waa iftiin mudan in lagu daydo, maxaa yeelay, dhalinyaradu, sida ay aqooyahanadu tibaaxeen, waa lafdhabartii bulshada, la’aantoodana waa abaar iyo aafo. Bulshadu hadday doonayso inay isbadal sameyso, waa inay isku xidhnaadaan, Maamulka bulshada, ducaada, DHALINYARADA iyo dumarka intaba.

Aqoonyahanada farta ku fiiqay, kaalinta ay dhaliyaradu ku leedahay isbadalka bulshada, waxaa ugu danbeeyay walaalkeen Sh. C/Baasid Sh. Ibraahim (Allaha dhowree) oo 4tii janaayo 2014, shabakadda Halgan ku daabacay qoraal aad u qiimo badan, kaasoo mudan in akhrintiisa dhowr jeer lagu celceliyo.

Mu,tamarkii 6aad ee dhalinyarada Denmark iyo nawaaxigeeda, wuxuu dhici doonaa insha Allaahu inta u dhaxaysa 14-16/febraayo 2014. Waxaana ku marti qaadan:

1) Sh. Bashiir Yuusuf Shiil

2) Sh. Saciid Raage,

3) Sh. Maxamed Sh. Cali Mowliid

4) Sh. C/Raxmaan Abyad

5) Sh. Maxamuud Sh. Xasan (Abuu Dhalxa)Halku dhagiisuna waa: DAARTA AAKHARO.

Ilaahay waxaan ka baryeeynaa inuu na guuleeyo labada daaroodba.

W/Q: C/llaahi Sh. Xanbali Xaaji C/Suldaan.

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online